CATALAN DERBY: Shaxda Macquulka Ah, Liiska Uu Ernesto Valverde Soo Saaray Iyo Imtixaanka Adag Ee Blaugrana Ku Sugaya RCDE Stadium.

Barcelona ayaa caawa marti u ah kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol waxayna Blaugrana kulankan iskeenaysaa iyada oo kalsooni wayn ka soo heshay kulankii adkaa ee Villarreal ee La Liga ugu danbeeyay balse markale kooxda Valverde ayaa imtixaan adag mari doonta marka ay soo gasho garoonka xamaasada badan ee RCDE Stadium.

Barcelona iyo Espanyol waxaa u dhexeeya xifiltan iyo dagaal xoogan inkasta oo sanadihii la soo dhaafay uu kulanka Catalan Derby ahaa mid dhinaca kooxda Barcelona ka rarnaa. Laakiin kulankii ugu danbeeyay ee xili ciyaaredkii hore ka soo qabsoomay RCDE Stadium waxa uu Barca ku ahaa mid aad u adag.

Ernest Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoyda kooxdiisa Barcelona waxayna jamaahiirta Barcelona heleen war ay ku farxeen ka hor kulanka Espanyol. Barcelona waxay hogaanka La Liga ku haysaa 28 dhibcood laakiin Espanyol oo bandhig wayn soo samaysay xili ciyaareedkan ayaa 21 dhibcood haysata.

Liiska Ciyaartoyda Uu Valverde Magacaabay Ayaa Ku Soo Baxay?

Valverde ayaa liiska ciyaartoyda kooxdiisa ku soo dhaweeyay Luis Suarez oo seegay kulamadii ugu danbeeyay kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac soo gaadhay laakiin Arthur Melo oo tababarkii ugu danbeeyay ee jimcihii qaatay ayaan helin cadaynta caafimaad ee uu ku ciyaari karo wuxuuna ka maqan yahay liiska uu Valverde soo saaray.

Samaul Umtiti, Sergi Roberto, Samper Malmoc, Rafinha iyo Arthur Melo ayaa dhamaantood dhaawacyo kala duwan ku seegaya kulanka Espanyol waxayna ka maqan yihiin liiska kooxdooda Barca ee uu Valverde soo saaray.

Valverde ayaa liiska kooxdiisa dib ugu soo celiyay xidigihii uu nasiyay kulankii Copa Del Rey ee kala ahaa Lionel Messi, Gerard Pique, Jordi Alba, Sergio Busquets iyo Coutinho waxaana sidoo kale liiskan ku soo baxay Carles Alena oo kulankii Villarreal goolkiisii ugu horeeyay kooxda kowaad ka dhaliyay.

Valverde aaa sidoo kale liiska kooxdiisa ku soo darsaday da’yarka Miranda iyo Inaki Pena.Clement Lenglet iyo Gerard Pique ayaa markale difaaca dhexe ka wada ciyaari doona iyada oo Umtiti aan la ogayn waqtiga uu soo laabanayo.

Liiska Ciyaartoyda Barcelona Ee Kulanka Espanyol: Ter Stegen, Semedo, Gerard Piqué, Ivan Rakitic, Sergio, Denis Suárez, Coutinho, Suárez, Messi, Ousamen Dembélé, Cillessen, Lenglet, Jordi Alba, Munir, Aleñá , Vidal, ThomasVermaelen, Miranda iyo Iñaki Peña.

Maxaa Dhacay Markii Ugu Danbaysay Ee Barcelona Iyo Espanyol Ku Kulmeen Garoonka RCDE Stadium?

Kulankii ugu danbeeyay ee garoonka kooxda Espanyol ee RCDE Stadium waxa uu ahaa February 4,2018 kii markaas oo ay Espanyol gool ku hormartay iyada oo ay Gerard Moreno uu Espanyol goolka furitaanka u dhaliyay daqiiqadii 66 aad laakiin Gerard Pique ayaa sideed daqiiqo kadib Barca u keenay goolka barbaraha.

Sidaa daraadeed, Barcelona iyo Espanyol aya barbaro 1-1 ah ku kala baxay waxayna tasi keentay in kadib ay Barcelona jabisay rekoodhkii guuldaro la’aanta abid ee horyaalka La liga.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Kulanka 15 aad La Liga

Kulanka: Espanyol Vs Barcelona

Garoonka: RCDE Stadium

Waqtiga: 10:45 Habeenimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Carlos Del Cerro Grande

Shaxaha Macquulka Ah Ee Espanyol Vs Barcelona:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Vidal; Messi, Suárez, Coutinho

Espanyol (4-3-3): Diego López; Javi López, David López, Hermoso, Dídac; Darder, Roca, Granero; Pérez, Iglesias, Piatti