CAQABAD: Qoddob Ay Barcelona Iyo Borussia Dortmund Ku Dareen Heshiiskii Ousmane Dembele Oo Bur-Burinaya Qorshaha Isla Barcelona & Dhammaan Kooxaha Saxeexiisa Doonaya!!.

Waxa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan heshiiskii ay xagaagii 2017 wada gaadheen kooxaha Barcelona iyo Borussia Dortmund markaas oo ay la kala wareegayeen xiddiga ree France ee Ousmane Dembele oo hore qayb uga ahaa Dormund.

Sida laga soo xiganayo il wadareed magaceeda lagu sheegay Die Welt, Barca ayay noqon doontaa inay lacag bixiso siiso Borussia haddiiba ay iibinayso xiddigan waana qoddob caqabad cadaan ah ku ah kooxda ree Catalonia iyo koox kasta oo maanka ku haysay saxeexa xiddigan.

Dembele, arriving at France's training camp.

Xagaagii 2017, Markii ay Barca Neymar JR ka iibisay dhinaca Paris Saint-Germain kooxda ree Germany ee Dortmund ayaa ka faa’idaysatay baahidii ay Barca u qabtay xiddig bedel u noqday Neymar iyo waliba sixir bararkii suuqa ka taagnaa waxaana ay 105 Milyan oo lagu daray 40 Milyan oo dheeraad ah ku iibisay Dembele.

Die Welt ayaa shegaya in lacagta 105-ta Milyan ah la kala qaatay balse 40-ka Milyan uu ku xidhan yahay qoddob ah haddii ay Barca xiddigan iibiso kahor inta uusan dhicin qandaraaskiisa haatan oo ku eeg sanadka 2022.

Dhinaca kale, Ilo ku dhaw kooxda oo ka hadlayay arrinta Dembele ayaa yidhi “Dhacdada suurogalinaysa in la iibiyo maaha mid laga fikiran haatan”

Kulankii ugu dambeeyay ee horyaalka tababare Valverde ayaa xiddigan ka saaray kooxdiisa sababo taaktiko darteed kaddib markii uu xanuun caloosha ah ku seegay tababarkii isla markaana uu ku guuldaraystay inuu xanuunkiisa soo sheego wakhtigii ku haboonaa.

Waxa la ogaan doona doorka uu tababaruhu siin doono xiddigan kaddib fasaxii kulamada caalamiga ah waxaana ay kulamada lagu qiimayn doono ka bilaaban doonaan kulanka Sabtida ee Atletico Madrid.