Mauro Icardi Oo Ka Baxaya Kooxda Inter Milan Suuqa Xagaaga Balse Mamnuuc Ka Ahaan Doona Real Madrid – Siday Wax U Jiraan?

Mustaqbalka xiddiga kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa u muuqda mid aan xasilnayn kaddib markii uu diiday inuu kooxda u ciyaaro ilaa laga siinayo raali-gelin sababtoo ah in laga qaaday kabtanimadii kooxda.

Icardi ayuu calaamada kabtanimada ka bedelay goolhaye Samir Handanovic iyadoo sidoo kale laga reebay liiska kooxdii u safartay Rapid Viena Khamiistii.

Icardi ayaa sidoo kale seegaya kulanka maanta ee Sampdoria iyadoo ay kooxdu shaacisay inuu dhaawac qabo halka saxaafaduna ay ku warramayso in isku dhacyada ka dhashay wadahadalada heshiis kordhintu ay qaska keeneen.

Wargeyska Corriere dello Spor ayaa sheegay maanta oo Axad ah in Inter Milan iyo Mauro Icardi ay kala dhaqaaqi doonaan suuqa xagaaga iyadoo kooxahii doonayay ay dalabaad u diyaarin doonaan.

Real Madrid ayaa qayb ka ah kooxaha ugu cad cad doonista Icardi waxaana saxeexiisa haatanba la xidhiidhiyay wargeyska MARCA balse xaaskiisa ahna wakiilkiisa Wanda Nara ayaa jawaab kasoo bixisay warkaas.

Wanda ayaa iyada oo adeegsanaysa barta Twitter-ka warkaas ku sifaysay “Been-Abuur” kahor intii aysan qoraalkaas tir-tirin.

Intaa kaddib Nara ayaa soo dhigtay sawiro badan oo muujinaya in jamaahiirta Inter ay doonayaan in Icardi uu kooxda sii joogo.

Ugu dambayn, Tababaraha Inter Milan oo ka hadlay kabtan ka qaadistii Icardi ayaa falkaas ku sifeeyay mid xanuun badan isaga oo dhinaca kale shaaciyay go’aankii uu weeraryahankani ku diiday inuu kooxda matalo.