CAQABAD: Maamulka Manchester United Oo Markale Caqabad Ku Noqonaya Maalgelin Ay Kooxdu Samayso Suuqa January Xilli Dhibaato Kale Ka Qarxi Karto Old Trafford.

Maamulka ugu sarreeya ee kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay markale dhibaatayn karaan qorshayaasha Jose Mourinho uu ka sii dhigtay suuqa kala iibsiga bisha January iyaga oo gabi ahaanba mamnuuci kara maalgelin ay kooxdu samayso.

Guddoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward iyo Jose Mourinho ayuu khilaaf ka dhex abuurmay suuqii ugu dambeyay ee xagaaga kaddib markii waxba u socon waayeen sidii uu tababaraha ree Portugal rabay isla markaana Woodward uu ka dhaartay maalgelin badan.

Sida laga helayo ilo wareedyada ESPN boodhka Red Devils ayaa doonaya inay cod ku diidaan rabitaanka Jose ee January, Sababta ugu weyn ee ay ku diidi karaan ayaana ah in xiddigaha uu tababaruhu doonayo aysan qayb ka ahayn qorshayasha aragtida fog ee ay iyagu leeyihiin.

Jose ayay hore maamulka kooxdu ugu diideen inuu sameeyo saxeexyada Jerome Boateng iyo Toby Alderweireld oo ay kaga cawdeen dhaawacyo badnaan iyo da’dooda oo weyn halka qiimaha Harry Maguire uu ku noqday mid aad u badan.

Mourinho ayaa markan diirada saaraya saxeexa xiddigo da’yar ah waxaana kamid ah xiddigaha uu taageeraha khaaska ah u yahay daafaca Inter Milan ee Milan Skrinar iyo midka Fiorentina ee Milenkovic.

Dhibaatada xilli ciyaareedkan iyo bandhiga aan joogtada ahayn ee United ayaa la fahamsan yahay inay ka dhasheen isku dhhacii xilli ciyaareedka kahor iyo muranadii Mou iyo Ed.

Diidmo kale oo ka timaada dhinaca boodhka kooxda ayaa ah mid markale si xun dhulka u dhigi karta xidhiidhka ka dhaxeeya boodhka iyo Mourinho oo aan haatanba si fiican u qanacsanayn.