Cameroon Oo Rekoodhayaal Ku Reebtay Xulka Qaranka Senegal, Sadio Mane Oo Rekoodhihiisii La Badbaadiyay Iyo Jamaahiirta Liverpool Oo Farxad Ka Muujiyay In Mane Oo Soo Laabanayo.

Xulka qaranka Cameroon ayaa u soo baxay afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kadib markii ay kulan laysla daalay rekoodhayaal 5:4 ah ku reebeen xulka qaranka Senegal. Sadio Mane oo waxtar wayn ka soo gaystay in Senegal ay soo gaadho sideed dhamaadka koobka qaramada Afrika ayaa laga badbaadiyay rekoodhihii shanaad ee Senegal taas oo keentay in Cameroon ay Burkino Faso kula biirto afar dhamaadka AFCON 2017.

Kulanka xulalka qarmada Senegal iyo Cameroon ayaa ahaa kulan aad u adag isla markaana xiiso badan waxaana la sugayay xulka afar dhamaadka koobka qaramada Afrika kula biiri doona Burkino Faso oo 2:0 ku garaacday Tunisia, waxayna xulalka qaramada Senegal iyo Cameroon soo bandhigeen ciyaar adag oo ay si wayn ugu dagaalmayeen sidii ay baaqi ugu sii ahaan lahaayeen AFCON 2017.

Laakiin qaybtii hore ee kulankan ayaa noqon mid ay labada xul qaran ee Senegal iyo Cameroon wax goolal ah isla dhaliyeen inkasta oo ay jireen fursado shabaqa lagu gaadhi karayay oo ay labada xul qaran heleen. Xulka qaranka Senegal ayaa ahaa xulka boosishanka ugu badan haystay 45 kii daqiiqo ee kulankan ugu horeeyay waxayna lahaayeen boqolkiiba 61% halka Cameroon ay lahayd boqolkiiba 39%.

Senegal ayaa shan darbo ku tuurtay goolka Cameroon laakiin laba kaliya ayaa bartilmaameedkooda haley haka Cameroon ay laba daro oo kaliya ku beegsatay dhinaca goolka Senegal iyada oo hal darbo oo kaliyi ay noqotay bartilmaameedka goolka. Waxaa jiray fursado fiican ay oo labada dhinacba ah laakiin waxaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta waxay labada xul qaran si wayn oo aan waxba layskula hadhin uga shaqaynayeen sidii ay shabaqa ku gaadhi lahaayeen, waxaana jiray fursado aan la rumaysan karin in aan wax goolal ah lagu dhalin.

Xulka qaranka Senegal ayaa helay fursadihii ugu cajiibsanaa ee goolasha loo fishay laakiin goolhayaha xulka qaranka Cameroon ee Fabrice Ondoa ayaa badbaadiyay fursado aan la rumaysan karin wuxuuna xulka qarankiisa Cameroon ka caawiyay in ay ciyaarta baaqi ku sii ahaadaan laakiin sidoo kale goolhayaha xulka qaranka Senegal ayaa ayaa si wayn Cameroon ugu diiday in ay shabiqiisa gaadhaan.

Difaaca xulka qaranka Senegal iyo kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly ayaa kulankan si wayn iskugu muujiyay wuxuuna xulka qarankiisa ka ilaaliyo haliso badan oo kaga imanayay dhinaca weerarka Cameroon. Sadio Mane iyo Keita ayaa nooc kasta oo dhibaato ah ku abuuray difaaca Cameroon laakiin Moussa Sow oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa laga badbaadiyay fursadii ugu halista badnayd isaga oo sidoo kale lumiyay fursado fiican oo goolal lagu dhain kari lahaa.

Laakiin 90 kii daqiiqo ee waqtiga rasmiga ahaa ee ciyaarta iyo waliba afar daqiiqo oo lagu daray ayay Senegal iyo Cameroon ku kala bixi waayeen taas oo keentay in 30 daqiiqo oo dheeri ah ciyaarta lagu daro si loo kala saaro labada xul qaran ee Senegal iyo Cameroon.

WAQTIGII DHEERIGA AHAA:

Markale ciyaarta ayaa sii ahayd mid laysku mari waayay isla markaana ay adag tahay sida lagu dhaafo difaaca labada xul qaran iyo waliba labada goolhaye oo door wayn ku lahaa in wax gool ah la dhalin waayo. Laakiin daqiiqadii 105 aad ee dhamaadkii waqtigii nasashada ee waqtigii dheeriga ahaa xulka qaranka Cameroon ayaa helay fursad layaableh oo hal-ka- hal ah kadib markii uu Zoua kubbad kula soo baxay goola Senegal laakiin goolhaye Abdoulaye Diallo ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu xulka qarankiisa Senegal ciyaarta ugu sii hayo.

Xulka qaranka Senegal ayaa markale lumiyay laba fursadood oo ay ciyaarta ku duli kareen kadib markii Saivet uu helay fursad cajiib ah laakiin goolhaye  Fabrice Ondoa ayaa isaga oo duulaya kubbada ka hortaabtay halka daqiiqadii 110 aad uu Keit lumiyay kubbad loogu dhiigay xerada ganaaxa Cameroon oo kaliya u baahnayd in uu shabaqa ku bartilmaameedsado laakiin darbadiisa ayaa birta sare martay. Laakiin 30 kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray ayay labada xul ku kala bixi waayeen iyaga oo 120 daqiiqo wax gool ah isaga dhalin waayay waxaana la gaadhay waqtigii rekoodhayaal lagu kala bixi lahaa.

NATIIJADII REKOODHAYAASHA.

Senegal ayaa tuuratay afartii rekoodhe ee ugu horeeyay waxayna u wada badaleen afar gool si la mid ah xulka qaranka Cameroon ayaa afartoodii rekoodhe ee ugu horeeyay goolal ubadalay , waxanaa la soo gaadhay xiligii uu Sadio Mane rekoodhaha shanad ee Senegal tuuri lahaa waxaana Mane rekoodhihiisa badbaadiyay Ondoa halka rekoodhihii shanaad ee Cameroon uud dhaliyay Aboubakar taas oo keentay in Cameroon ay 5:4 rekoodhayaalah ku soo baxdo isla markaana ay Senegal bacasalaamayso koobka qaramada Afrika.

Comments

comments