CAJIIB: Waa Maxay Rekoodhka Ay Ajax Xalay Gaadhay Si Ay Xili Ciyaareedkan Oo Kaliya Ugu Barbarayso Wax Qabadkii Abid Ee Man City?

Kooxda Ajax ayaa halkeeda ka sii wadatay layaabkii ay soo samaysay xili ciyaareedkan waxayna awooday in ay guuldaro dhabarka u saartay Tottenham oo waliba garoonkeeda marti loogu ahaa. Ajax ayaa nafteeda u abuurtay fursad wayn oo ay ugu soo bixi karaan finalka caasimada Madrid ka qabsoomi doona ee tartanka Champions League.

Laakiin Ajax ayaa xalay samaysay xog ceeb ku ah kooxda Pep Guardiola ee Man City oo ay Tottenham ku reebtay siddeed dhamaadkii UEFA Champions league. Waxayna Ajax xalay noqotay koox markale muujisay sida ayna nasiib ugu soo gaadhin afar dhamaadka Champions League.

Kooxda Ajax ayaa xalay gaadhay guul ay ku barbaraysay xili ciyaareedan guulihii abid ee ay Man City ku soo gaadhay wareegyada bug baxa UEFA Champions league. Ajax ayaa guulo ka soo gaadhay Real Madrid, Juventus iyo Tottenham oo ay dhamaantood marti u ahayd.

Waxay guulahani la mid yihiin guulihii ay Man City abid ka soo gaadhay isla wareegyada bug baxa UEFA Champions league waana guulihii ay City ka soo gaadhay Dynamo Kiev , Basel  iyo Schalke taas oo muujinaysa arin layaableh.

Sida aad halkan hoose ku arki karto wariyaha madaxa banaan ee Andrew Beasley ayaa aduunka la wadaagay xogta uu ka dhexaysiiyay kooxaha Ajax iyo Man City taas oo uu xog ahaan ugu cadeeyay in Ajax ay xili ciyaareedkan guulaysatay kulamo la mid ah intii ay abid Man City ka soo guulaysatay wareegyada bug baxa Champions League.

Kadib qoraalka hore waxa uu Andrew Beasley uu sharaxaadiisa ku sii bixiyay in uu soo bandhigay saddexdii kulan ee ay Ajax xili ciyaareedkan guulaha ku soo gaadhay kulamadii bug baxa Champions League iyo kulamadii ay Man City abid isla wareegyadan soo guulaysatay halkan ayaanad kaga bogan kartaa qoraalkiisa.

Ajax ayaa hadda haysata saddex fursadood oo ay Tottenham ku soo dhaafi karto, kow waxay kulanka lugta labaad u ciyaari doontaa garoonkeeda taas oo dhibaato wayn ku noqon karta Tottenham, mida labaad waxay kulankii lugtii hore soo gaadhay guul halka arinta saddexaad ay tahay in ay Tottenham haysan wax goolal ah oo ay sii dhalisay.