CAJIIB: Waa Kuma Xidiga Barcelona Ka Tirsan Ee Sida Layaabka Leh Iskugu Diyaarinaya In Uu Markii 8-Aad Oo Xidhiidh Ah Ku Guulaysato Koobka Horyaalka.

Inkasta oo sannadihii ugu dambeeyey ay Barcelona ahayd kooxda iska gurata horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, haddana uma suurtogelin in siddeed jeer oo xidhiidh ah ay qaadato, waxaana soo kala dhex galay oo rikoodhkaas ka ilaaliyey Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Hal Ciyaar kaddib, Barcelona waxay ku guuleysan doontaa horyaalka LaLiga markeedii 26aad, waxaanay ugu dabbaal-degi doontaa jawi farxadeed, laakiin waxa garab socon doona rikoodh cajiib ah oo uu samaynayo mid ka mid ah xiddigaheeda oo markii 8aad oo xidhiidh ah qaadanaya horyaalka.

Laga soo bilaabo sannadkii 2012, Arturo Vidal waxa uu ahaa laacib sannad walba u dabbaal-dega hanashada horyaalka, waxaana uu xilligaas koobka horyaalka Serie A kula soo guuleystay Juventus sannadihii u dhexeeyey 2012 illaa 2015. Kaddib waxa uu u wareegay Bayern Munich oo saddex sannadood oo isku xigta uu la qaaday horyaalka Bundesliga, halka uu xili ciyaareedkana Barcelona la qaadayo.

Inkasta oo laba gool oo kaliya uu ka dhaliyey horyaalka LaLiga ayna ahaayeen kulamadii Real Madrid iyo Real Sociedad, haddana muu ahayn laacib boos joogto ah haysta balse marka fursad la siiyo ayuu si buuxda u caawiyaa difaaca iyo weerarkaba.

Dhibaatada kaliya ee haysta Arthuro Vidal ayaa ah in aanu wali ku guuleysanin Champions League, waana koobka uu raadinayo inuu helo inta aanu kabaha kubadda cagta tiirnin, haddiise ay u suurtogeli waydo, waxa uu ku biiri doonaa liiska halyeeyadii waaweynaa ee aan nasiibka u helin Champions League oo ay ka mid ahaayeen Zlatan Ibrahomic, Ronaldo, Michael Ballack iyo Francesco Totti.