CAJIIB: Thibaut Courtois Oo Banaanka Keenay Naanaysaha Ciyaartoyda Waaweyn Ee Real Madrid & Erayada Loo Yaqaano Ramos, Marcelo, Modric & Bale.

Goolhayaha kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayaa banaanka keenay naanaysaha ay u yaqaanaan xiddigaha waaweyn ee kooxda xilli uu si gaar ah uga hadlayay wax ku saabsan xiddiga ree Wales ee Gareth Bale.

Courtois ayaa daaha ka qaaday in Bale oo haatanba lix sano kunool caasimada Spain ee Madrid uu haddana wali si fiican ula qabsan kari la’yahay magaalada.

Sidoo kale goolhayaha ree Belgium ayaa sheegay in Bale uu yahay mid kali ku ah qolka labiska ee Bernabeu isaga oo xataa diida inuu lasoo casheeyo xiddigaha kale ee kooxda marka ay banaanka si wadajir ah u aadaan.

Courtois oo uu wargeyska ree Belgium ee HLN waydiistay bal inuu ka warramo xiddigaha ay koox wadaaga yihiin ayaa kabtanka kooxdaas ee Ramos ku sifeeyay “Hoggaamiye”  isaga oo Marcelo ku sheegay naanaysta “Samba” sababtoo ah farshaxankiisa marka uu kubadda haysto halka uu Modric ku sheegay naanaysta “Caqli Badane”

Laakiinse markii wax laga weydiiyay naanaysta Bale ayuu ku sheegay erayga “The Golfer” oo micnaheedu yahay shaqsi ciyaara ciyaarta Golf-ka sababta loogu naanaysayna ay tahay in Bale uu aad ugu waalan yahay ciyaartaas.

Courtois oo sharaxaad bixinaya ayaa yidhi “Aad ayay u adagtahay in Gareth Bale lagu sifeeyo hal eray, Waxaan odhan lahaa waxa uu leeyahay hibo aad u badan laakiin waa wax laga xishoodo in inta badan hibadaas laga xanibo inay dhalaasho”

“Waxaan u noolahay sida qof ku dhashay oo ku bar-baaray Spain, Waxaan wax cunaa xilli dambe, Waxaan seexdaa xilli dambe…. Waa sida ay u nool-yihiin (Dadka ree Spain)”

“Habeen kale waxa aanu lahayn casho ciyaartoyda kooxda oo dhan ah, laakiin Bale iyo Toni (Kroos) kama aysan soo muuqan, Waxa ay u xisaabiyeen cashada inay xilli dambe oo habeenkii ah tahay”

“Waxaanu u qorshaynay inaanu maqaaxida joogno 9:30 habeenimo waxaanan bilawnay cunada 10:15pm anaga oo saqdii dhexena qaxwe (Coffee) cabnay”