CAJIIB: Tababare Zinadine Zidane Oo Kaliyi Ma Ahayn Shaqsiga Soo Dhigay Taatikadii Lagu Celiyay Liverpool Final-kii UCL, Saddex Xiddig Oo Real Madrid Ah Oo Talada Wax Ku Lahaa Oo La Ogaaday.

Sida haatan la ogaaday xiddigaha kooxda Real Madrid ee Luka Modric, Sergio Ramos iyo Cristiano Ronaldo ayaa kamid ahaa shaqsiyaadkii hor-moodka ka ahaa falsafadii lagu celiyay kooxda Liverpool gaar ahaan weeraarkooda holaca ah ee MSF kulankii Final-ka Champions League ee xilli ciyaareedkii hore.

Real Madrid ayaa kulankaas 3-1 ku garaacday kooxda tababare Jurgen Klopp oo ay ku kala calaf qaadeen magaalada Kiev ee dalka Ukraine, Loris Karius uu shabaqa masuul uga ahaa Reds ayaa qaatay habeen madaw kaddib markii uu u horseeday kooxdiisa guuldaradan isaga oo sameeyay qaladaadkii kulanka go’aamiyey.

Sidoo kale dhacdadii ugu hadal haynta badnayd ee kulankaas ayaa ahayd in daafaca kooxda Real ee Sergio Ramos uu dhaawac daran u geystay Mohamed Salah oo ahaa xiddiga ay rajada ugu badan ka qabeen jamaahiirta Reds.

Shaqsiyaad badan ayaa aaminsan in qaladkaasi uu ahaa qorshe uu soo degay kabtanka Los Blancos walow uu isagu dhawr jeer iska difaacay sheegayna inuusan u kasin dhaawacii uu u geystay Salah.

Haddaba, Kaddib markii si sir ah Akoonka kooxda ee barta Twitter-ka looga helay muuqaalkii qolka lebiska ee kulanka kahor ayaa la ogaaday in Modric, Carvajal iyo Ramos ay sidoo kale dhiibteen fikrado ay ku xanibayaan kooxda tababare Klopp.

Aan ku horraynee Carvajal ayaa isaga oo dhigaya qorshaha ay Liverpool ku celin karaan ku yidhi saaxiibadiisa kooxda “Waa inaan culays badan saarnaa iyaga, Kubadda ay dib u helaan waxaana ay ku daraan xawaare, Haddii aynu midaas joojin karno oo aan ku dhawaan karno saddexda weeraryahan, Miyay isku dayayaan inay culayska ka hoos baxaan? Waa inaynu halkaas joognaa, Haddii ay kubadda haystaan way fiican tahay, Aynu ku xakameyno meel 40 Meter u jirta goolkeena”

Kabtan Sergio Ramos ayaa markiisa hadalka qaatay waxaanu yidhi “Waa inaynu ka fogaano qaladaadka xun xun ee dhinacyada aan ku galno, Waxa ay aad ugu xoogan yihiin kubaddaha sarre, Waxaynu ka heli doonaa kubaddo weerar celis ah”

“Sidoo kale marka labaad waa inaynu kubadda isku gaadhsiino si fiican wakhtiga oo dhan, Waa inaynu culays saarnaa iyaga, Kubadda ayay dib u helaan waxaana ay ku daraan xawaare”

Ugu dambayn Modric oo guubaabinaya saaxiibadii kahor kulanka ayaa isna yidhi “Aynu bilawno dagaalkeena, Sidii aynu samaynay kulankii Juventus (Final-kii 2017) Sow ma garanaysaan? Waxaynu u ciyaarnay si lamid ah”