CAJIIB: Taageero Liverpool Ah Oo N’Golo Kante Arooskii Uu Dhawaan Ka Qayb Galay Kaga Codsaday Inuu Reds Kusoo Biiro & Jawaabtii Uu Siiyay.

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa dhawaan ka qayb galay aroos uu lahaa taageere kooxda ahi waxaana uu halkaas dhacdo kagala soo kulmay taageere kale oo Liverpool ah oo ay sheeko dhex martay.

Iyadoo Chelsea ay baahida ugu weyn u qabto qaab ciyaareed horumarsay ayuu wakhtigii ku haboonaa kusoo beegmay fasaxa qaramadu maadaama oo ay helayso fursad ay dib iskugu eegto.

Mid kamida ciyaartoyda waaweyn ee ay kooxdu rajaynayso inay dib u hesho fasaxa kaddib ayaa ah N’Golo Kante kaas oo dhaawac ku maqnaa balse Kante ayaa u muuqda mid mashquulsan wakhtigan.

Kante ayaa qayb ka ahaa arooskii inanta uu dhalay taageeraha Chelsea ee lagu magacaabo Frank Khaled, Kante ayaa hore u diiday inuu arooskan tago sababtoo ah jadwalkiisa ciyaareed balse kaddib dhaawaciisa ayuu Khalid u sheegay inuu kasoo qayb gali karo.

Haddaba, Dhacdo halkaas ka dhacday ayaa ahayd markii taageero Liverpool ah kaas oo tusay Kante calaamada caanka ah ee “Kani waa Anfield” kaddibna laba jeer ku yidhi “Halkani waa halka aad u baahantahay inaad timaado”.

Jawaabta Kante uu siiyay taageerahan Liverpool ayaa ah mid ay jeclaysanayaan jamaahiirta kooxdiisa Chelsea waxaana uu 28 jirkani kaliya sameeyay dhoola-caddeyan isaga oo madaxa diidmo ahaan ugu ruxay taageerahan.