CAJIIB: Taageere Arsenal Ah Oo Qiimayn Isaga U Gaar Ah Todoba Qaybood Kaga Dhigay Ciyaartoyda Kooxdiisa Gunners Ee Xili Ciyaareedkan.

Kooxda Arsenal ayaa xili ciyaareed isku dhaf ah soo qaadatay waxayna ciyaartoyda kooxdeedu soo bandhigeen qaab ciyaareed isku jir ah, laakiin taageere kooxda Gunners ka tirsan ayaa qiimayn afar qaybtood ah ku sameeyay ciyaartoyda kooxdiisa.

Taageerahan ayaa soo qaatay afar min qiyaas oo uu ku kala saaray bandhigii ciyaartoyda kooxdiisa Arsenal ee xili ciyaareedkan taas oo uu ku muujiyay in ay gabi ahaanba ay xidigaha kooxdiisu kala duwanaayeen.

Taageerahan ayaa soo jiitay qaar ka mid ah warbaahinta dalka England oo qiimayntiisa daabacay wuxuuna afar ciyartoy ku qiimeeyey in ay cajiib ahaayeen kuwaas oo kala ah Bernd Leno, Alexandre Lacazette iyo Pierre-Emerick Aubameyang.

Qaybta labaad waxa uu ka dhigay kuwo heer dhex dhexaad ah wax yar ka sareeya kuwaas oo kala ah Aaron Ramsey, Laurent Koscielny iyo Ainsley Maitland-Niles wuxuuna u diiday in uu ku qiimeeyo in ay cajiib ahaayeen.

Qaybta saddexaad waxa uu ka dhigay kuwo qaab ciyaareed dhex dhexaad ah soo bandhigay kuwaas oo kala ah Saed Kolasinac, Lucas Torreira, Sokratis, Matteo Guendouzi, Granit Xhaka, Unai Emery.

Qaybta afraad waxa uu ka dhigay kuwo heerka dhex dhexaadka ah ka hooseeya wuxuuna ku magacaabay Petr Cech, Henrikh Mkhitaryan, Mesut Ozil iyo Alex Iwobi.

Haddaba halkan kaga bogo qiimaynta taageeraha Arsenal uu todobada qaybood kaga dhigay ciyaartoyda kooxdiisa ee xili ciyaareedkan.

Cajiib: Bernd Leno, Alexandre Lacazette, Pierre-Emerick Aubameyang

Dhex dhexaad ka sareeya: Aaron Ramsey, Laurent Koscielny, Ainsley Maitland-Niles

Dhex dhexaad: Saed Kolasinac, Lucas Torreira, Sokratis, Matteo Guendouzi, Granit Xhaka, Unai Emery

Dhex dhexaad ka hooseeya: Petr Cech, Henrikh Mkhitaryan, Mesut Ozil, Alex Iwobi

Dhibaato yara leh: Shkodran Mustafi

Dhibaato leh: Carl Jenkinson, Mohamed Elneny, Stephan Lichtsteiner

Dhaawacan: Hector Bellerin, Rob Holding, Konstantinos Mavropanos, Eddie Nketiah