CAJIIB: Shax Laga Sameeyay Xiddigaha Uu Zidane Doonayo Inuu Ka Nadiifiyo Real Madrid Oo Ka Qaalisan Shaxaha Kooxo Badan Oo Yurub Ah.

Kaddib markii ay ilaa haatan suuqa xagaaga kala soo saxeexdeen shan ciyaartoy oo safka koowaad ah, Real Madrid ayay haatan u taalaa shaqo kale oo wax ka qabad u baahan oo ah inuu kooxdiisa ka diro xiddigo badan.

Mid kamida xiddigahaas ayaa xilli horeba la iibiyay waana Marcos Llorente oo heshiis 30 Milyan ah oo 40 Milyan gaadhi kara ugu wareegay kooxda Atletico Madrid ee ay caasimada Spain isku hayaan Real.

Si kastaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa shax laga sameeyay xiddigaha uu tababare Zinadine Zidane doonayo inuu ka fasaxo kooxdiisa oo ku qiimaysan lacag 280 Milyan ah.

FG: Qiimaha xiddigahan ayaa ah kuwo dhammaantood laga soo xigtay shabakada Transfermarkt.com balse aan ahayn lacagta ay kooxdoodu ku dalban doonto haddii ay iibinayso.

Aan ku bilawnee shaxdan ayuu goolka masuul uga yahay goolhaye Keylor Navas oo 10 Milyan ku qiimaysan halka ay leedahay saddex daafac oo kala ah Reguilon (15 Milyan), Vallejo (10 Milyan) iyo Theo Hernandez (15 Milyan).

Shaxdan oo ah mid leh afar khad dhexe ayay boosaskaas ku kala jiraan Llorente oo 20 Milyan kaga qiimaysan Transfermarkt.com balse ay 40 milyan ku iibisay kooxdu, Mateo Kovacic (35 Milyan) iyo Dani Ceballos (30 Milyan).

Weerarka shaxdan oo ah mid ka kooban afar ciyaartoy ayay ku midaysan yihiin James Rodriguez (50 Milyan), Martin Odegaard (15 Milyan), Gareth Bale (60 Milyan) iyo Mariano Diaz (20 Milyan).

Guud ahaan shaxdan ayaa isku noqonaysa 280 Milyan waana shax ay dhab ahaantii ku riyoon lahaayeen kooxo badan oo qaarada Yurub ahi qiime ahaana ka badan safafkooda haatan.