CAJIIB: Saddex Sano Kahor Waxa Iska Diiday Kooxda Heerka Labaad Ee West Bromwich Haatana Dadaal Badan Kaddib Wuxuu Noqday Xiddigii Sanadka Ee Bayern Munich.

Da’yarka ree Germany ee Serge Gnabry ayaa halkiisa kasii wada inuu khaladkeeda u caddeeyo kooxda ree England ee West Bromwich Albion kaddib nabsi ay ka galeen isaga oo haatan darajo sarre ku gaadhay kooxdiisa Bayern Munich.

Gnabry ayaa waayihiisa ciyaareed kusoo bilawday qaab musiibo ah waxaana uu dhibane u ahaa amaah kolba koox loogu dirayay balse waxa uu u muuqdaa mid haatan ku xasilay horyaalka Bundesliga kaddib xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee buuxa ee uu ku qaatay.

Iyadoo ay Bayern xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2018-19 kusoo guuleysatay horyaalkaas ayuu Gnabry soo dhaliyay 10 gool halka uu toddoba kale soo caawiyay taas ayaana u sahashay in loo magacaabo xiddigii sanadka ee Bavaria.

Gnabry ayuu haatan mustaqbalkiisa ciyaareed gabi ahaanba sidan ka duwanaan karayay kaddib dhibaatadii kusoo qabsatay kooxda Arsenal oo uu waayihiisa ciyaareed ee heerka sarre kasoo bilaabay.

Arsenal ayaa kaddib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay xiddigan xirfadiisana dilay qaab amaah ah ugu dirtay West Bromwich Albion xilli ciyaareedkii 2015-16.

Inuu u wareegay kooxdaas ayaa ah mid loo arkayay mid aad ugu wanaagsan oo uu halkaas ku heli doono fursad uu dib iskugu soo nooleeyo oo uu waayihiisa ciyaareed markale ku iftiimiyo balse taas ayaan dhicin.

Tababarihii wakhtigaas haystay West Bromwich ee Tony Pulis ayuu kasoo yeedhay hadal uu ku sheegay in Gnabry uusan isaga gabi ahaanba qancin taas oo sababtay in kooxdu ay kansasho heshiiskiisii.

Si kastaba, 23 jirkan oo wakhtigaas kaliya 3 kulan soo matalay West Bromwich oo haatan heerka labaad joogta ayaa imika isagu ku naaloonaya ahaanshaha ciyaartoygii ugu soo fiicnaa Bayern xilli ciyaareedkii tagay.