CAJIIB: Ronaldo Oo Sheegay Shaqo Kaa Yaabinaysa Oo U Qorshaysnayd Marka Da’dan Soo Gaadho & Fursada Champions League Ee Kooxdiisa Juventus Oo Uu Ka Warramay.

Advertisements

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay shaqadii uu sawiranayay inuu qaban doono marka uu da’dan soo gaadho iyo waliba fursada ay xilli ciyaareedkan kooxdiisu u haysato ku guuleysiga tartanka UEFA Champions League.

Advertisements

Ronaldo ayaa shalay 35 jirsaday waxaana uu wali ku raaxaysanayaa qaab ciyaareed qurxoon walow uu 18 sano kahor ciyaaray kulankiisii ugu horreeyay ee heerka ugu sarreeya ah.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkiisii labaad ku qaadanaya Juventus isaga oo xilli ciyaareedkii hore kusoo guuleystay tartanka horyaalka Serie A balse waxa uusan kusoo guuleysan tartankii ay Juve doonaysay inuu ka caawiyo ee Champions League.

Ugu horreynba, Ronaldo oo ka faaloonaya shaqada uu ku fikirayay inuu da’diisa haatan ee 35 sano jir ku qaban doono ayaa sheegay inuu sawiranayay inuu kaluumaysato ka noqon doono magaalada Madeira ee uu kasoo jeedo.

CR7 ayaa yidhi “Markii aan yaraa waxaan ku fikirayay inaan Madiera ka kaluumaysan doono markaan 35 jir ahay, Waligay maskaxdayda kuma soo dhicin inaan ka ciyaari doono halkii aan ka ciyaaray oo aan ku guuleysan doono wixii aan ku guuleystay”.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa sheegay in Champions League ay adag tahay in la hanto ay suurogal tahay maadaama oo ay kooxdiisa Juventus ciyaartoy fiican haysato.

“Champions League Final-kii lixaad miyaa? Waa macquul, Inaan u ciyaaro Juventus waxay i siinaysaa fursad aan ku guuleysto markale, Waynu ognahay inay tahay tartan adag kaas oo ku xidhan arrimo badan, Laakiin waxaan filayaa inay macquul tahay sababtoo ah waxaanu haysanaa koox wanaagsan, Waxaanu u soconaynaa talaabo talaabo”.

Advertisements