CAJIIB! Real Madrid Iyo Roma Xanuun Isku Mid Ah Ayaa Haya, Si Nafsiyan Ah Ayey Hoos Ugu Dhacday Los Blancos

Tababaraha kooxda kubadda cagta Roma ee Eusebio Di Francesco ayaa ka hadlay ciyaarta caawa ay kooxdiisu ku martigelinayso Real Madrid taas oo guul ay ka gaadho ay si toos ah ugu gudbi doonto wareegga 16-ka, iyagoo ku bixi doona kaalinta koowaad.

Roma iyo Real Madrid labadaba guuldarrooyin ayaa kasoo gaadhay ciyaarihii horyaaladooda ee usbuucan oo ay kala ciyaareen Udinese iyo Eibar, hase yeeshee, tababare  Eusebio Di Francesco waxa uu aaminsan yahay inay u wanaagsan tahay kooxdiisa in waqtigan ay la ciyaaraan Real Madrid.

Eusebio Di Francesco waxa uu xusay in Real Madrid iyo kooxdiisaba uu hayo xanuun isku mid ah oo u diiday inay bandhig ciyaareed wanaagsan sameeyaan xili ciyaareedkan.

“Roma waxay waajahaysaa kooxda xilligan haysata horyaalka Yurub, laakiin labadayadaba xanuun isku mid ah ayaa na haya, dhibaato ayaana naga haysata horyaallada.” Sidaas ayuu yidhi tababare  Eusebio Di Francesco oo ka hadlayey ciyaarta ay caawa iskaga hor iman doonaan Real Madrid.

Tababaruhu wuxuu sheegay inay rajaynayaan inay ka hor tagaan kooxdii bilowgii horyaalka ku soo garaacday Beranbeu, balse waxa uu tilmaamay in nafsiyan ay u muuqato inay Real Madrid hoos u dhacday oo dhiirranaantii iyo niyaddii wanaagsanayd ka maqan tahay.

“Ciyaartyadii hore si fiican ayay wax walba u qabteen, waana inaanu xallino waxyaabaha qaarkood, laakiin hadda, maskaxiyan way ka duwan tahay” ayuu yidhi.

1 Comment

Comments are closed.