CAJIIB: Qaabka Ay Taageerayaasha Kooxaha Premier league Barri Ula Kala Safan Doonaan Kooxaha Jarmalka Oo La Ogaaday.

Taageerayaasha kooxaha Premier League waxay wali sugayaan go’aan rasmi ah oo loogu sheego maalinta uu xili ciyaareedka horyaalka Ingiriisku uu dib u bilaami doono laakiin ugu yaraan barri waxay ka mid yihiin malaayiinta kubbada caashaqsan ee ku raaxaysan doona in horyaalka Bundesliga uu dib u furmayo barri oo sabti ah.

Haddaba waxaa la shaaciyay qaabka ay taageerayaasha kooxaha Premier League ula kala safan doonaan kooxaha Jarmalka inkasta oo ay jiri karaan taageerayaal markii horeba kooxu ku lahaa Bundesliga.

Haddaba taageerayaasha kooxdaada Premier league kooxdee ayay barri horyaalka Jarmalka ka taageeri doonaan? Miyaadse ku raacsan tahay qaabka loo go’aamiyay xogtan?

Waxaanu halkan idiinku soo koobnay qaabka ay taageerayaasha kooxaha Premier league barri ula kala safan doonaan kooxaha horyaalka Jarmalka waxaana qaar riixaya sababo gaar ah.

1. Bayern Munich… Taageerayaasha Manchester City

Manchester City iyo Bayern Munich waxay sanadihii ugu danbeeyay wadaageen Pep Guardiola waxaana jira xidhiidh dhinaca kubbada ay labada kooxood ciyaaraan oo hadda wax badan iskaga mid ah.

Haddii waqti Bayern Munich iyo Man United ay ahaayeen kuwa isku dhigmayay labada horyaal, haddana Man City waxay noqotay kooxda ka talisa magaalada Manchester balse saamaynta Guardiola ee kooxaha Bayern Munich iyo City ayaa keenaysa in jamaahiirta Man City ay sii taageeri doonaan Bayern Munich.

2. Borussia Dortmund… Taageerayaasha Liverpool

Liverpool iyo Borrussia Dortmund waxay wadaagaan waxyaabo badan oo khaas ah waxaana ugu wayn in ay wada leeyihiin hal hees oo isku mid ah isla markaana uu Jurgen Klopp labada kooxood si isku mid ah uu quluubtiisa u galiyay.

Markii ay Liverpool iyo Dortmund iskugu dhaceen Europa League ee kulankii Anfield waxay taageerayaasha labada kooxood sameeyeen heesta caanka ah ee “You will neve Walke Alone” oo ay dhinacyada garoonka iskaga jiibiyeen waxayna sanadkaas si wada jir ah ugu guulaysteen abaal marintii FIFA ee taageerayaasha ugu fiican.

Xamaasada taageerayaasha labada kooxood, heesta ay caanka ku yihiin iyo saamaynta Jurgen Klopp ayaa barri keenaysa in taageerayaasha Liverpool ay si buuxda u taageeri doonaan Borussia Dortmund.

3. RB Leipzig… Taageerayaasha Leicester City.

Layaabka xili ciyaareedka Bundesliga iyo Premeir League waa kooxaha RB Leipzing iyo Leicester City  waxayna labada kooxoodba ku jiraan min kaalinta saddexaad ee horyaalada Bundesliga iyo Premier league.

Sidaa daraadeed, taageerayaasha kooxda Leicester City ayaa la filayaa in ay dhigooda RB Leipzig ku taageeri doonaan layaabka ay soo wadeen ee ay iskaga midka yihiin.

4. Borussia Monchengladbach… Taageerayaasha Wolves

Kooxaha Wolves iyo Borussia Monchengladbach ayaa Europa League u soo baxay xili ciyaareedkii la soo dhaafay waxayna markale u ordayaan in ay tartamada Yurub ka ciyaaraan waana sababta loo filayo in jamaahiirta Wolves ay la safan doonaan MGlabach.

5. Bayer Leverkusen… Taageerayaasha Manchester United

Kadib markii ay kooxda Bayer Leverkusen ay sanado ka maqnayd Champions League waxaa booskoodii Yurub soo celiyay tababare Peter Bosz kaas oo qaybtii labaad ee xili ciyaareedkii la soo dhaafay saamayn wayn yeeshay.

Manchester United lafteedu waxay dagaal ugu jirtaa in ay tartanka Champions league ku soo laabato, laakiin kooxda Leverkusen ayaa markale doonaysa in ay tartanka kooxaha Yurub ee Champions League u soo baxdo.

Taageerayaasha Man United ayaa markii la qiimeeyay kooxaha Bundesliga waxaa loo saadaaliyay in ay dib u bilaabashada Bundesliga taageeri doonaan kooxda Bayer Leverkusen.

Halka ka sii akhriso taageerayaasha Premier League iyo kooxaha Jarmalka ee ay Taageeri doonaan.

6. Schalke 04… Taageerayaasha Arsenal

7. Wolfsburg…Taageerayaasha Everton

8. Freiburg…Taageerayaasha Burnley

9. Hoffenheim… Taageerayaasha Crystal Palace

10. Cologne… Taageerayaasah Newcastle

11. Union Berlin… Taageerayaasha Sheffield United

12. Frankfurt… taageeraayasha Tottenham

13. Hertha Berlin… Taageerayaasha Watford

14. Augsburg… Taageerayaasha Southampton

15. Mainz…Taageerayaasha West Ham

16. Dusseldorf… Taageerayaasha Bournemouth

17. Werder Bremen… Taageerayasah Aston Villa

18. Paderborn… Taageerayasha Norwich

Maadaama oo ay kooxaha Bundesliga yihiin 18 kooxood isla markaana ay kooxaha Premier leauge 20 kooxood yihiin waxaa jira kooxaha Chelsea iyo Brighton ayaa noqday kooxaha aan loo helin kuwo ay isku dhaw yihiin oo taageerayaashooda loo saadaalin karo in ay taageeri doonaan.

Haddaba akhriste, kooxdee ayaad horyaalka Bundesliga ka taageeri doontaa haddii aanad hore ugu lahayn koox aad taageeri jirtay?

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

4 Comments

Comments are closed.