Pep Guardiola Oo Si Toos Ah Ugu Hambalyeeyay Jurgen Klopp Kadib Guushii UCL, Wacadkii Ay Isku Mareen Iyo Klopp Oo Sheeko Cajiib Ah Shaaciyay.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo bandhigay sheeko cajiib ah oo dhex martay isaga iyo macalinka Man City ee Pep Guardiola isla markii ay Liverpool ku guulaysatay koobka Champions league.

Klopp ayaa shaaciyay in uu si toos ah telefoon uga wacay Pep Guardiola kadib markii uu kooxdiisa Liverpool ku hogaamiyay ku guulaysiga koobka kooxaha yurub ee Champions League waxayna wacad iskugu mareen balan cusub.

Jurgen Klopp ayaa sheegay in Pep Guardiola uu ka mid noqday dadkii ugu horeeyay ee ugu soo hambalyeeyay guushii UEFA Champions league waxaana isku xidhay Lee Nobes oo hadda Liverpool ka shaqeeya balse shaqaalaha caafimaadka Man City hore uga tirsanaa.

Jurgen Klopp ayaa cadeeyay in ay Guardiola balan iskugu qaadeen in ay xili ciyaareedka soo socda dabada iska laagaan oo ay wax walba dagaal u gali doonaan.

Jurgen Klopp oo sheekadan cajiibka ah saxaafada la wadaagay ayaa yidhi: “Hal daqiiqo ka hor waxaa aniga telefoon iga soo wacay Pep Guardiola. Madaxa duugistayada ee (Lee Nobes) ayaa Manchester City ka shaqaynayay bilawgii sanadka, laakiin waxa uu doonayay in uu ku guulaysto Champions League”.

Laakiin Klopp ayaa hadalkiisa raaciyay in sababta uu Lee Nobes uga soo wareegay Man City ayna ahayn in uu doonayay ku guulaysiga Champions league wuxuuna yidhi: “Maya, waa kaftan” wuxuuna ahaa shaqsiga isku xidhay Klopp iyo Guardiola.

Laakiin Klopp oo soo tabinaya balantii iyo wacadkii ay isku mareen Guardiola ayaa yidhi: “Waxa uu midkaagayaba kan kale balan ugu qaaday in midba uu kan kale dabada ka laago xili ciyaareedka soo socda, wax walba waanu u tagi doonaa isla markaana waxa aanu eegi doonaa waxa aanu helno”.

Klopp oo hadlaya in ay 97 dhibcood kaga dhamaysteen Premier league isla markaana ay Champions leauge ku guulaysteen ayaa yidhi: “Helitaanka 97 dhibcood oo Premier league ah iyo ku guulaysiga Champions League waa dariiq dheer oo aan la rumaysan karin oo aanu samaynay. Waa cajiib”.

“Hadda waxbaanu ku guulaysanay, waanu sii wadi doonaa, waxyaabo ayaanu ku guulaysan doonaa, taasi way wayn tahay, xaqiiqdiina waan ku faraxsanahay” ayuu Klopp hadaliisa ku daray.

Jurgen Klopp iyo Guadiola ayaa isku balansaday in xili ciyaareedka cusub ay wax walba u tartami doonaan waana balan qaad iyo wacad ay sii galeen iyada oo xataa dhawr bilood ka hadhsan tahay bilawga xili ciyaareedka cusub.

Kooxaha Manchester City iyo Liverpool ayaa wali loo arkaa in ay xili ciyaareedka soo socda noqon doonaan labada kooxood ee xifiltankooda Premier league sii wadan doona iyada oo kooxaha kale ay ku qasban yihiin in ay si wayn suuqa u galaan.