CAJIIB: Ole Gunnar Solskjaer Oo Ka Mushahar Badnaan Doona Jurgen Klopp, Unai Emery & Maurizio Sarri Xilli Kaliya LABA Tababare Oo Horyaalka Ahi Ay Ka Sarreyn Doonaan.

Tababaraha kooxda Manchester United ay dhawaan sida rasmiga ah u magacawday ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa durtaba heshiiskiisii ugu horreeyay ee kooxda kaga mushahar badanaan doona macalimiin heer sarre ah oo horyaalka la jooga.

Kooxda ayaa inyar oo dareen ah ka qabtay inay heshiis rasmi ah la gaadhi doonto Ole markii ay sida KMG ah u magacawday bishii December balse 19 kulan oo uu kasoo hooyay 14 guulood oo ay ku jirto guushii taariikhiga ahayd ee Champions League ayaa u sahashay helista shaqadaas.

Haddaba, Marka laga eego dhinaca dhaqaalaha, Man United ayaa lacago badani u badbaadayaan kooxda maadaama tababarihii hore ee Jose Mourinho uu qaadan jiray aduun lacageed oo 15 Milyan ah sanaddkii.

Sida uu horraantii bishan sheegay wargeyska The Mirror, Ole Gunnar Solskjaer ayaa qaadan doona 7.5 Milyan sanadkii waana lacag aad uga badan midii uu ka heli jiray kooxdiisii hore ee Molde kaas oo ahaa kumanaan balse aan gaadhayn malaayiin.

Wargeyska The Sun ayaa dhinaciisa sheegaya in weeraryahankan hore uu noqon doono tababaraha saddexaad ee ugu mushahar badan horyaalka waxaana uu kaliya ka dambayn doonaa Pep Guardiola iyo Mauricio Pochettino.

Mushaharka £7 Milyan ah ee uu sanadkii qaato Jurgen Klopp ayaa ah mid ka hoosayn doona mida Solskjaer si lamid ah £6 Milyan ee Unai Emery ka helo Arsenal.

Waxaan sidoo kale meesha ka maqnayn tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri kaas oo kaliya £5.15 Milyan qaata isla markaana kawada hooseeya dhammaan tababarayaashaas aan soo xusnay.