CAJIIB: Muxuu Yahay Rekoodhka Cajiibka Ah Ee Uu Sergio Ramos Isha Ku Hayo Kulamada Soo Socda? Kabtanka Madrid Oo Rekoodh Taariikhiya Gaadhi Doona.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa kulamad soo socda isha ku hayn doona rekoodh weyn oo dhinaca gool dhalinta ah ee mudadii uu usoo ciyaarayay kooxaha Sevilla iyo Real Madrid iyo waliba xulka qaranka Spain.

Ramos ayaa maanka ku haya inuu gaadho 100 Gool, Waxa uu haatan dhaliyay 98 gool oo ah waxqabad cajiib ah marka loo eego daafac dhexe waxaana uu goolashaas ku gaadhay kulamo dhan 787.

Sergio Ramos

Ramos ayaa kulankiisii ugu horeeyay u saftay Sevilla ciyaar ka tisaran tartanka UEFA Cup taariikhdu markii ay ahayd September 16, 2004 waxaana uu isla kulankaas dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay kaddib guul 2-0 ah oo ay ka gaadheen kooxda ree Portugal ee Nacional.

10 maalmood kaddib ayuu markale Sergio muujiyay awoodiisa gool dhalineed waxaana uu gool kale ka dhaliyay Real Sociedad si uu Sevilla uga caawiyo iany 2-1 ku guuleysato.

Isaga oo jira da’da 18, Ramos ayaa muujiyay awoodiisa gool dhalinta waxaana uu goolkiisii ugu dambeeyay ee Sevilla ka dhaliyay Real Madrid saddex bilood kahor intii uusan kusoo biirin kooxda caasimada.

Ramos oo haatan Real u dhaliyay goolal guud ahaaneed oo dhan 78 gool ayuu goolkiisii ugu horreeyay ee cad cadku ahaa mid uu ka dhaliyay Olympiacos kulan ay kooxdiisa guuldaro 2-1 ah kala kulanta kooxda ree Greece.

Goolkiisii labaad ee uu u dhaliyay Real ayuu ka dhaliyay kooxda Malaga oo ay ku martiyeen Estadio La Rosaleda isla markaana uga soo adkaadeen 2-0, Halka goolkiisii koowaad ee Bernabue uu ka dhaliyay Bilbao kulan ka tirsan Copa Del Rey January 11, 2006.

Haatan, Ramos ayaa 57 gool ka dhaliyay tartanka LaLiga Santander, 11 gool oo Champions League ah, 4 Gool Copa Del Rey ah, Laba Gool oo Spanish Super Cup ah, Laba gool oo Club World Cup iyo laba kale oo  European Super Cup halka uu xulka Spain u dhaliyay 17 gool 161 kulan oo uu saftay.