CAJIIB: Miyaad Hore U Maqashay Inay Koox Yari Qarka U Fuushay Inay Gacanta Ku Wada Dhigto Guardiola & Messi? Akhriso Sheeko Xiiso Leh

Madaxa kooxda ree Spain ee Getafe ee Angel Torres ayaa shaaca ka qaaday qaabkii ay ugu dhawaadeen inay lasoo saxeexdaan tababare Pep Guardiola iyo kabtanka haatan ee Barcelona ee Lionel Messi dhawr iyo tobban sano kahor.

Aan ku bilawnee Angel Torres oo ka sheekaynaya qaabka ay iskugu dayeen saxeexa Messi ayaa sheegay inay amaah ku doonayeen sanadihii ugu horreeyay ee waayihiisa ciyaareed balse uu tababarihii wakhtigaas ee Barca ee Rijkaard u diiday.

“Sanadkii koowaad ama labaad ee Messi, waxaanu ku dhawaanay inaanu isaga siino heshiis uu ku imanayo Getafe oo amaah ah, ugu dambayntii Rijkaard ayaan aqbalin waxaana nalaga tagay anaga oo doonayna” ayuu Torres u sheegay Marca.

Torres ayaa xusay inuu madaxweynihii wakhtigaas ee Barcelona ee Joan Laporta ku dhawaaday inuu heshiis kala gaadho inay qaab amaah ah ku qaataan Messi.

Dhinaca kale madaxweynaha Getafe ayaa sheegay in Joan Laporta uusan markii hore Pep Guardiola aaminsanayn sidaas darteed uu doonayay tababarihii Getafe ee wakhtigaas ee Michael Laudrup taasina ay keentay inay iyaguna doonaan inay Guardiola oo Barca B haystay saxeexiisa.

Angel oo markan ka warramaya qaabkii ay saxeexa Peo ugu dhawaadeen ayaa yidhi “Fikradu waxay ahayd in Laudrup uu qabsado Barcelona ka bedelkiisa ahaan anaguna aanu magacawno Guardiola oo kooxdooda labaad joogay sababtoo ah ugu horreyntii Laporta ma uusan aaminsanayn Guardiola”

Ugu dambayntii Barcelona ayaa tababaraha kooxdeeda u magacawday Guardiola oo ay B-da kasoo dalacsiiyeen, Getafe ayaa fasaxday tababare Laudrup halka ay magacaabeen Victor Muñoz oo mar Barca lala xidhiidhinayay.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook