CAJIIB: Miyaad Hore U Maqashay In Mulkiilayaasha Carbeed Ee Man City Ay Doonayeen Iibka Liverpool Kahor Midkii City? Akhriso Sheeko Xiiso Leh Oo Haatan Soo Baxday

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa shaaca ka qaaday sheeko xiisaheeda leh oo la xidhiidha mulkiilayaasha carbeed ee kooxda Manchester City iyo sidii ay u doonayeen iibka Reds kahor intii aysan la wareegin Sky Blues.

Kabtankii hore ee Liverpool ahna macalinkii kooxdaas ee sagaashamaadkii ayaa ka hadlay inuu la kulmay gabadha lagu magacaabo Amanda Staveley taas oo u sheegtay inay ahayd shaqsiga furaha u ahaa iibkii Man City ee Sheikh Mansour.

Sky Sports pundits react with astonishment to Graeme Souness ...

Souness ayaa si deg deg ah u weydiiyay Staveley oo uu sheegtay inay tahay taageere Liverpool ah sababta uu ninkan Bilyaneerka ah ugu geyn waayay ragii wakhtigaas lahaa Liverpool si uu uga iibsado kooxduna kor ugu soo kacdo.

Steveley ayaa ugu jawaabtay in labadii nin ee ree America ee Hicks iyo Gillett oo intii u dhaxaysay 2007 ilaa 2010 ay ahaayeen kuwo ay adagtahay in lala xaajoodo sidaas darteedna ay iskaga dhaqaajiyeen oo ay iibsadeen Man City.

Manchester City ayaa intaas kaddib loo bedelay quwad kamida kooxaha waaweyn ee Yurub kaddib ku dhawaad lacag 1 Bilyan ku dhaw oo ku baxday iyagoo kusoo guuleystay koobab xidhiidh ah oo ay kamid yihii afar Premier League.

Souness oo sheekadan imika ka hadlay ayaa yidhi “Ma sheegi karaa sheeko deg-deg ah, waxaan tagay Dubai 12 ilaa 13 sano kahor, waxaan joogay Atlantis Hotel, waxaan la lugaynayay xaaskayga iyo wiilkayga, waxaan tagay makhaayada Nobu taas oo ahayd mid madhan qadadii kaddib markii aan sii baxayayna waxa jiray dad joogay baarka”

“Markii aan baxayay qof ayaa noo yimid oo iskaaya baray, kaddib gabadh ayaa noo timid oo nagu soo biirtay waxaana ay nafteeda noogu sheegtay Amanda waxaana ay sheegtay inay ahayd taageere Liverpool ah”

“Intii lagu gudo jiray wada sheekaysigayaga waxay tidhi ‘waxaan ka masuul ahay inaan qoyska ree Abu Dhabi geeyay Man City”

“Waxaan ku idhi ‘shan daqiiqo kahor waxaad lahayd waxaan ahay taageere Liverpool ah, maxaad iyaga Liverpool u geyn wayday?”

“Waxay tidhi ‘ waan isku dayay oo aan isku dayay laakiin Gillett iyo Hicks waxay ahaayeen kuwo ay aad u adagtahay in lala tacaalo iyagu ugu dambayntii way iska tageen”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook