CAJIIB: Markii Hore Garsoore Mike Dean, Haddana Garsoore Kale Oo Kamaradu Qabatay Isaga Oo Goolkii Guusha Ee Liverpool U Dabaal Degaya.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka ayaa si wayn u xusuusta dhacdooyinkii layaabka lahaa ee loo diwaan galiyay garsoore Mike Dean kaas oo ay dhawr jeer kamaradu qabtay isaga oo bixinayay dareen dabaal deg kulamo uu dhex dhexaadinayay oo ay waliba Tottenham ciyaartay.

Laakiin kulankii xalay ee Tottenham ay guuldarada kala kulantay Liverpool waxay jamaahiirta kubbada cagtu dareemeen in garsoore kale uu soo barbareeyay rekoodhkii garsoore Mike Dean isla markaana uu u dabaal degay goolkii Liverpool ee Anfield.

Liverpool ayaa goolka guusha ee kulankii Tottenham waxay heshay waqti xaasaasi ah kadib markii uu Mohamed Salah sabab u noqday in difaaca kooxda Spurs ee Toby Alderweireld uu goolka guusha ee Reds iska dhaliyay laakiin markii ay kamaradu haysay Jurgen Klopp iyo falcelintii uu sameeyay waxaa ka soo garab baxay nin xidhan labiska garsoorka oo goolka Liverpool ka falcelinaya.

Qaar ka mid ah jamaahiirta kubbada cagta oo ay xataa ku jiraan taageerayaasha Liverpool ayaa dareemay in mid ka mid ah saraakiishii kulankii Liverpool iyo Tottenham uu u dabaal degay goolkii waqtiga dhimashada ee dhamaadka ciyaarta ay Reds guusha ku heshay.

Mid ka mid ah taageerayaashii dareemay dhacdadan ayaa soo qoray: ‘ Miyuu qofna dareemay in garsoore kulanka ahi uu dhinaca midig ee Klopp ku dabaal degay sida aan aragno?”.

Taageere kale ayaa soo qoray: “Anigu khabiir ma ahi laakiin qof xidhan jaakeedka EA Sports ee saraakiisha kulanka oo fadhiya kursiga saraakiisha kulanka ayaa u dabaal degaya goolka Liverpool. Xaqiiqdii sax uma muuqato-miyay u muuqataa?”.

Taageere kale ayaa isna soo qoray: “Sarkaalka kulanka ah ayaa u dabaal degaya goolka guusha Liverpool ee kulanka Spurs”.

Laakiin Akownka barta twitterka ee @VintageSalah oo si wayn looga taageero kooxda Liverpool iyo Mohamed Salah ayaa la soo dhigay muuqaalka sarkaalka garsoorka ka midka ahaa ee lagu haysto in uu dabaal degay waxaana qoraalka la soo raaciyay: “Xataa saraakiisha kulanka ayaa u dabaal degaya goolkeena.  kan Ku dura ama kan ku muda xiddididadayda dhiiga”.

Si kastaba ha ahaatee, garsooraha ay kamaradu qabtay isaga oo ficilo dabaal deg u muuqda samaynaya ayaan ahayn garsoorihii ciyaarta hayay balse waxa uu ka mid ahaa saraakiisha garsoorka kulankii Liverpool iyo Tottenham.

Liverpool ayaa hadda culayska ku wareejisay Manchester City iyada oo hadda Liverpool laba dhibcood ku sii qabatay hogaanka Premier league waxayna hadda Reds haysataa fursada ay ku sugayso in Man City ay mari doonto imtixaan iyaga ka wayn.