CAJIIB: Marcelo Vieira Oo Soo Xushay Shaxda Kooxda Xiddigaha Ugu Fiican Ee Uu Kasoo Kasoo Garab Ciyaaray, Cida Uu Kabtanka U Doortay & Zidane Oo Uu Uga Maarmi Waayay.

Daafaca bidix ee kooxda Real Madrid ahna xiddiga xulka qaranka Brazil ee Marcelo Vieira ayaa soo xushay shaxda ciyaartoyda ugu fiican ee uu abid kasoo garab ciyaaray isaga oo sidoo kale shaxdiisa kusoo darsaday Zinadine Zidane oo uusan ciyaartoy ahaan ula shaqayn balse tababare usoo ahaa.

“Anigu waligay lama ciyaarin isaga laakiin waa macalinkaygii sidaa dardeed…. Haa dabcan” Ayuu ku kaftamay Marcelo oo shaxda ku shaacinaya bartiisa Youtube.

Dhinaca kale waxyaabaha soo jiidashada leh ayay kamid tahay in Marcelo uu kabtanka kooxdiisan u xushay Luka Modric isaga oo xiddiga ree Croatia ka door biday kabtankiisa haatan ee Sergio Ramos, Cristiano Ronalo oo saaxiibkiisa dhaw ah iyo Thiago Silva oo mar kabtan ugu soo noqday xulka Brazil.

Aan ku bilawnee 30 jirkan ayaa booska goolhayaha u doortay Julio Cesar oo uu xulka Brazil kula soo shaqeeyay taas ayaana la micno ah inuu iska reebay Casillas oo ay waayo guuleed kusoo wada qaateen Real Madrid.

Afarta daafac ayuu u doortay Dani Alves iyo Thiago Silva oo haatan PSG kawada tirsan, Sergio Ramos iyo waliba Roberto Carlos oo ah ninka uu ka dhaxlay boosaska Madrid iyo xulka Selecao.

Khadka dhexe gaar ahaan bur-buriyaha ayuu u xushay Casemiro halka uu saddexda khad dhexe ee kale u doortay Zinadine Zidane, Mesut Ozil iyo Luka Modric.

Safka weerarka ayuu ka dhigay mid holac ah oo ay adkaan lahayd in la celiyo waxaana lamaane ku ah Neymar JR oo ah saaxiibkiisa Brazil iyo Cristiano Ronaldo oo ah saaxiibkiisa gaarka ah.