CAJIIB: Man City Oo Khal Khalisay Jadalkii Man United Ee Champions League, Barcelona Oo Faa’iido Ka Heshay Iyo Sababta Oo Sharaxaad Laga Bixiyay.

Manchester City ayaa sabab u noqotay in la badalay qaabkii uu soo baxay isku aadkii Manchester United iyo Barcelona ee tartanka Champions League waxayna kooxda Guardiola sabab buuxda u noqotay in Barcelona ay heshay fursad ka fiican tan ay Man United haysato.

Markii la samaynayay isku aadka siddeed dhamaadka UEFA Champions League waxaa soo hor baxay magaca Barcelona taas oo la micno ahayd in kulanka lugta hore lagu ciyaari lahaa Camp Nou isla markaana ay Man United kulanka lugta labaad soo dhawayn lahayd Barcelona laakiin hadda aritan waa la badalay waxaana sabab buuxda u noqotay Man City.

Hadda waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in Man United ay kulanka lugta hore ee siddeed dhamaaadka ay Old Trafford ku qaabili doonto Barcelona halka kooxda Valverde ay heshay fursada ay Camp Nou ugu ciyaari doonto kulanka wax go’aamin doona ee lugta labaad ee siddeed dhamaadka UEFA Champions league.

Maxay Tahay Sababta Ay Man City Sababta Ugu Noqotay In Qaabkii Isku Aadka Champions League Ee Man United Iyo Barcelona la badalay?

Waxaa soo baxay sharci ay UEFA soo saartay kaas oo ay xidhiidhada kubbada cagta maxaliga ahi ku dalbadeen in laba kooxood oo isku magaalo ahi ayna hal habeen oo isku mid ah garoomadooda ku soo dhawayn kooxo ka tirsan  tartanka Champions League, ama xataa laba habeen oo isku xigta, waxayna taasi keentay in la badalo kooxda dhibco ahaan hoosaysay xili ciyareedkii la soo dhaafay ee horyaalka dalka ay arintani ka dhacdo.

Sidaa daraadeed, Man City oo xili ciyaareedkii hore ku dhamaysatay kaalinta kowaad ayaa Man United oo kaalinta labaad ku dhamaysatay waxay ku qasabtay in sharciga cusubi uu saamayn ku yeeshay jadwalkii iyo qaabkii uu isku aadku u soo baxay.

Iyada oo Man City kulankeeda hore uu yahay mid ay marti u noqon doonto Tottenham, isla markaana ay Man United kulankeeda hore marti u noqon lahayd Barcelona, ayay markii hore ahayd in ay magaalada Manchester ku soo wada dhawayn lahaayeen Tottenham iyo Barcelona taas oo sharciga cusub ee UEFA aanu hadda ogolayn.

Waxayna UEFA shaacisay sida uu sharciga cusub ee la soo saaray dhigayo in Manchester City oo xili ciyaareedkii hore ahayd kooxda Premier league kaalinta kowaad kaga soo baxday ay haysanayso qaabkii isku aadka Champions league loo sameeyay isla markaana la badalay qaabkii isku aadkii Man United loo sameeyay maadaama oo ay kaalinta labaad ku dhamaysatay.

Maamulada wadamada ay kooxaha Yurub tartankooda ku jiraan ayaa dalbaday in hal habeen oo isku mid ah ama laba habeen oo xidhiidh ah ayna hal magaalo marti galin laba kulan oo tartamada kooxaha Yurub ah, wuxuuna sharcigan iyo awooda sare ee Man City ay sabab u noqotay in Man United ay kulanka lugta labaad ku ciyaari doonto Camp Nou.

Man United ayaa Arbacada, April 10,2019, waxay Old Trafford ku soo dhawayn doontaa Barcelona  halka Talaadada, April 16,2019 ay Camp Nou ku booqan doonto Barcelona laakiin markii hore kulanka lugta hore ayaa Camp Nou lagu ciyaari lahaa halka kulanka lugta labaad lagu ciyaari lahaa Old Trafford.