CAJIIB: Ma Tahay Taageere Barcelona Ah Oo Ma Doonaysaa Inaad Ka Xaadirto Camp Nou Adiga Oo Gurigaaga Jooga? AKHRISO Warbixintan Xiisaha Badan

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa soo bandhigtay arrin xiiso leh oo ay ku farxad gelinayso jamaahiirta kooxdeeda gaar ahaan mudada dheer ee la filayo in kubadda cagtu ay noqon doonto mid aan taageerayaasha loo ogolayn inay garoomada tagaan.

Qorshaha cusub ee ay hindistay Barcelona ayaa ah inay sawirada taageerayaasha kooxdeeda kasoo muujinayso shaashada weyn ee ku xidhan garoonkeeda Camp Nou inta ka hadhay xilli ciyaareedkn 2019-20 marka dib loo bilaabo.

Kooxda ayaa kaashatay shirkada lagu magacaabo CUPRA ee caalamiga ah ee ka Barcelona ahaan u ah safiirka iyagoo adeegsanaya mashruuca la magac baxay “Aynu kulankan wadajir u guuleysano”

“Inaanu ku ciyaarno garoonkayaga Camp Nou markasta waa mid khaas ah halkaas oo taageerada jamaahiirtayadu ay tahay mid muhiim ah” ayuu yidhi goolhaye Marc Ande Ter Stegen oo dhawaan waraysi bixiyay.

“Shaqadan ay bilawday CUPRA waa mid cajiib ah maadaama oo ay anaga noo ogolaanayso inaanu dareeno joogitaankooda (Taageerayaasha)”

“Waxaanu u baahanahay inaanu la qabsano xaaladan qaabkana waxaynu ku abuuri karnaa jawi guuleed kulamada garoonkayaga”

Qaabka ay guud ahaan taageerayaasha Barcelona iyo adiga oo warbixintan akhrisanayaanba mashruucan uga qayb qaadan karaan ugana soo muuqan karaan Camp Nou ayaa ah inaad sawiradaada ku dirto bogga (Webiste-ka) shirkadda CUPRA.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.