CAJIIB: Liverpool Oo Kaliya LABA Eray Oo Kooban Kaga Jawaabtay Wararka Sheegaya Inay Wadahadalo Ay Ku Doonayso Nicolas Pepe Kula Jirto Kooxda Lille.

Kooxda horyaalka Premier League ahna kooxdii dhawaan soo hanatay tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee Champions League Liverpool ayaa gabi ahaanba iska fogaysay wararka la xidhiidhinaya weeraryahanka Lile ee Nicolas Pepe.

Dhawaan ayay ahayd markii wariyaha RMC Sport ee Mohamed Bouhafs uu sheegay hadal ahaa in Liverpool ay wadahadalo aad u xoogan kula jirto Lile isla markaana uu tababare Jurgen Klopp aad uga helo hab ciyaareedka Pepe.

Liverpool ayaa kaliya wararkaas LABA eray ku beenisay sida laga soo xiganayo Liverpool Echo oo ah wargeys aad ugu dhaw Reds waxaana ay labadaas eray ee lagu beeniyay wadahadalo socda ay yihiin “Been Saafiya”.

Liverpool Echo ayaa intaas ku daraya in Liverpool ay kaliya sheegtay in labada kooxood ay wada xidhiidheen isla markaana agaasimaha ciyaaraha ee kooxdeeda Michael Edwards uu la xidhiidhay tababaraha Lile Christophe Galtier.

Reds ayaa lasoo warinayaa inay aaminsan yihiin in shaqsiyaadka ku hareeraysan Pepe amaba Lile qudheedu ay iyaga u isticmaalayso sidii ay qiimaha xiddigan ee suuqa kor ugu qaadi lahayd.

Pepe ayaa si weyn ugu soo raaxaystay xilli ciyaareedkii 2018-19 waxaana uu soo dhaliyay 23 gool halka uu 12 kale caawiye kasoo ahaa 41 kulan oo uu tartamada oo dhan u matalay kooxda ree France.

Dhinaca kale tababaraha Lille ee Galtier ayaa dhawaan qirtay in xiddigiisu uu ka hayaamayo kooxda isla markaana ay hortaalo go’aan qaadasho ay ugu tartami doonaan kooxaha ugu waaweyn Yurub.

Si kastaba, Pepe oo loo arko mid wax kusoo kordhin kara saddexleyda weerar ee ay haatanba Liverpool haysato ayaa ku qiimaysan aduun dhan £70 Milyan.