CAJIIB: Lionel Messi Gabi Ahaanba Soo Bur-Buriyay Rekoodhadii Horyaalka La Liga Ee Xilli Ciyaareedkan & Xogta Uu Kasoo Samaystay Oo Aan La Rumaysan Karin.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa markale soo burburiyay horyaalka dalka Spain ee La Liga oo shalay si rasmi ah usoo dhammaaday waxaana uu dhammaystay xilli ciyaareedkan isaga oo meel kasta oo xog ururin ah soo qabsaday.

Messi ayaa 15 rekoodh oo laga soo ururiyay xilli ciyaareedkan horyaalkaas gaar ahaan ah rekoodhada xiddigaha weerarka ahi ku tartamaan 14 kamid ah isagu hoggaamiye ka ah halka uu midka kale booska labaad kaga jiro.

Rekoodhadan ayay ugu horreysaa gool dhalinta horyaalkaa ee Pachichi oo uu kusoo qaaday 36 gool isla markaana uu 15 gool oo saafi ah ka sarreeyay gool dhaliyaha labaad oo ahaa Luis Suarez.

Dhinaca kale Messi ayaa booska koowaad kaga jiray markale tirada gool caawinta ee horyaalkaas waxaana uu soo sameeyay 13 caawimo walow rekoodhkan uu la wadaago xiddiga Sevilla ee Sarabia.

Rekoodhka saddexaad ee xusida mudan ayaa ah midka saddexleyda waxaana uu Messi saddex jeer oo xilli ciyaareedkan ah soo dhaliyay Hattrick halka uu toddoba jeer kulamo kasoo dhaliyay laba gool.

Sidoo kale Messi ayaa haysta hoggaaminta dhinac kasta oo fursad abuuris ah haddii ay noqoto fursadaha si guud ahaaneed loo abuuray, fursadaha sida furan loo abuuray iyo fursadaha waaweynba.

Rekoodhka kaliya ee Messi lagu garaacay isla markaana uu booska labaad ka galay ayaa kaliya ah midka gambiska ama dhaafista ciyaartoy ku hor taagan waxaana kaga horreeya Boufal oo ka tirsan Celta Vigo.

Rekoodhada 15-ka Ah Ee Uu 14 Kamidka Ah Soo Qabsaday Messi Oo Sawir Ah