CAJIIB: Jose Mourinho Oo Si Xikmadaysan U Sharaxay In Pep Guardiola Oo Toddobaadkan Dhaafay Koobabka Uu Kusoo Guuleystay, Muxuu Ku Qanciyay Saxaafada?

Tababarihii hore ee kooxda Man United ee Jose Mourinho ayaa bixiyay sharaxaad faah-faahsan oo uu kaga warramayay sababta uu dhigiisa Pep Guardiola kaga koobab batay maadaama oo uu toddobaadkan gudihiisa ku dhaafay horyaalka Premier League.

Mid kamid ah dagaalada tababarenimo ee jiilashii dhawaa ayuu kamid yahay xifaaltanka Mourinho iyo Guardiola kuwaas oo wakhtiyo kala duwan kooxo si cad iskaga soo horjeeda kusoo maamulay horyaalada Spain iyo England.

Haddaba, Jose oo u warramayay wargeyska ree France ee ‘L’Equipe’ ayaa la weydiiyay wax ku saabsan in Pep uu toddobaadkan dhaafay tiradiisii koobabka ahayd ee 25 ka koob ahayd oo uu gaadhay 26 koob.

Ninkan isku naanaysay Special One oo ah shaqsi looga bartay in uusan hadalku wax dhib ah ku hayn ayaa sheegay inuu yeelan lahaa 31 koob haddii uu sii joogi lahaa kooxaha Porto iyo Inter Milan oo uu si deg deg ah uga tagay kaddib markii uu Champions League la qaaday.

Mourinho oo sharaxaadiisa bixinaya ayaa yidhi “Taasi waxa ay i xasuusinaysaa inaan anigu halkan joogo aniga oo haysta 25 koob, Haddii aan joogi lahaa Porto iyo Inter kaddib markii aan ku guuleystay Champions League waxaan ciyaari karayay European Super Cup, national, Club World Cup waxaanan haysan karayay 31, Laga yaabaa in aanan anigu diirada saarin tirooyinka”

Dhinaca kale Jose Mourinho ayaa ka hadlay Paul Pogba oo la ogaa in Man United uu khilaaf kaga soo dhaxeeyay isaga oo sheegay inuusan gabi ahaanba wax dhibaato ah ku qabin xiddigaas.

“Anigu ma odhan karo haa haddii aad i weydiiso in Pogba uu kaligii masuul ka yahay xaalada, Anigu dhibane kumaan ahayn Pogba.