CAJIIB! Jose Mourinho Oo Qayb Ka Noqday Dadka Doonaya In Horyaalka Premier League Aan Hore Loo Bilaabin

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa shirkii tababareyaasha ee Arbacadii shalay waxa uu walaac weyn ka muujiyey qorshaha dib loogu bilaabayo horyaalka Premier League, waxaanu dalbaday in gebi ahaantiiba horyaalka dib loo yara dhigo oo aan la bilaabin bisha June ee hadda la qorshaynayo.

Mourinho waxa uu ku adkaystay inuu fahamsan yahay in kooxduhu ugu yaraan ay u baahan yihiin inay muddo bil ah iskugu diyaariyaan xilli ciyaareedka ka hor inta aanay toddoba usbuuc kaddib kooxuhu ugu kulmin loollanka horyaalka oo ay ka hadhsan yihiin sagaal illaa toban ciyaarood.

Ciyaartoyda ayaa iyaguna qaba cabsi ah inay u baqayaan caafimaadkooda iyo qoysaskooda oo ay suurtogal tahay inay u geeyaan fayraska marka ay garoomada kusoo laabtaan, laakiin dhawr kooxood ayaa dib u bilaabay tababarka sida Manchester United iyo Arsenal.

Waxa jira dad badan oo ay ciyaartooyo ku jiraan oo rumaysan in khatar weyn ay wali jirto, nafo badanna ay halis gelayaan haddii horyaalka la bilaabo, waxaana dadkaas hadda ku biiray tababaraha Tottenham ee Jose Mourinho iyo Ralph Hasenhuttl oo Southampton macallin u ah.

Tottenham oo ka hor intii aan xili ciyaareedka la joojinin ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Steven Bergwijn, Ben Davies, Harry Kane, Davinson Sanchez, Moussa Sissoko, Harry Kane iyo Son Heung-min oo dhamaantood seegay kulankii ay RB Leipzing kaga reebtay Champions League ee ay ku garaacday 3-0.

Laakiin Mourinho waxa uu haystaa ciyaaryahannadiisa oo dhamaystiran oo kasoo kabtay dhaawacyadii, mana doonayo in iyaga oo aan jidh ahaan u diyaarsanayn ay mar kale horyaalka bilowdaan, isaga oo ka baqaya in dhaawacyo kale soo gaadhi doonaan.

Dhamaan 20-ka tababare ee kooxaha Premier League ayaa shir maqal iyo muuqaal ah waxa Arbacadii u qabtay Sarkaalka caafimaadka u qaabilsan Premier League ee Mark Gillett, waxaanu u tilmaamay siyaabaha ay taxadarka u samaynayaan iyo nidaamka ay raaci doonaan marka uu horyaalku dib u bilowdo.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook