Halkay Ku Danbeeyeen 22-kii Ciyaartoy Ee Uu Pep Guardiola Kooxda Barcelona Ku Soo Safay Kulamadoodii Ugu Horeeyay?

Tababare Guardiola ayaa sumcadisii ugu waynayd ku soo helay kooxdiisii hore ee Barcelona halkaas oo uu ka soo dhigay taariikh ilaa hadda ayna kooxaha Yurub gaadhin. Guardiola ayaa Barcelona hal sanad kula soo wada guulaystay lixdii koob ee ay u tartamaysay waana rekoodh ayna wali koox kale gaadhin.

Waqtigii cajiibka ahaa ee uu Guardiola ku soo qaatay Camp Nou waxa uu ku soo saaray ciyaartoy magac wayn yeeshay iyo kuwo aan hadda la xusuusan oo gabi ahaanba la ilaaway balse waqti loo arkayay in ay mustaqbalka kubbada cagta noqon karaan.

Intii uu Guardiola joogay kooxda Barcelona waxa uu soo gacan qabtay 22 ciyaartoy oo uu soo safay kulamadii ugu horeeyay ee kooxda kowaad ee Barcelona iyada oo qaar ka mid ahi ay wali Barca sii joogaan.

Markii uu Pep Guardiola maamulayay kooxda Barcelona waxay ahayd koox inta ugu badan ku tiirsanayd xarunta caanka ah ee La Masia iyada oo muddadii uu Guardiola joogay uu kooxda da’yarta ka soo dalacsiiyay 22 ciyaartoy oo La Masia ka soo qalin jabiyay.

Ciyaartoydan uu Guardiola soo gacan qabtay waxay qaar ka mid ahi hadda wadaan kooxo waa wayn halka kuwo kale ay ku kala firdheen wadamada kala duwan ee aduunka.

Haddaba xagay ku danbeeyeen 22 kii ciyaartoy ee uu Guardiola kulamadoodii ugu horeeyay ku soo safay waqtigiisii Camp Nou.

Sergio Busquets iyo Sergi Roberto ayaa hadda Barcelona baaqi kaga sii ah 22 kii ciyaartoy ee uu Guardiola kulankoodii ugu horeeyay soo safay, taas oo muujinaysa in maamuladii ka danbeeyay waqtigii Guardiola ayna muhiimad siin ciyaartoydii La Masia wax ku soo bartay ee loo hanka waynaa.

Haddaba halkan kaga bogo dhamaan 22 kii ciyaartoy ee uu Guardiola soo safay kulamadoodii ugu horeeyay ee Barcelona iyada oo tirada taariikhda dhexda ku jirtaa ay tahay sanadkii uu Guardiola kulankoodii ugu horeeyay ee Barca uu ciyaarsiiyay waxaana sidoo kale raacsan kooxda ama dalka ay hadda joogaan.

1-Sergio Busquets (2008). Wali Barcelona ayuu u ciyaarayaa

2-Abraham Gonzalez (2008). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda AEK Larnaca (Cyprus).

3-Thiago Alcantara (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Bayern Munich.

4-Xavi Torres (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Al-Arabi SC (Kuwait).

5-Marc Muniesa (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Al-Arabi (Qatar).

6-Alberto Botia (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Al-Wehda Club (Saudi Arabia).

7-Andreu Fontas (2009).Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Sporting Kansas City (United States)

8-Jonathan Dos Santos (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda LA Galaxy (United States)

9-Gai Assulin (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Politehnica Iasi (Romania).

10-Jonathan Soriano (2009). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Girona (Spain)

11-Marc Bartra (2010). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Real Betis

12-Ruben Mino (2010). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda UD Logrones (horyaalka labaad ee Spain).

13-Sergi Gomez (2010). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Sevilla.

14-Oriol Romeu (2010). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Southampton (England).

15-Nolito (2010). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Sevilla.

16-Sergi Roberto (2010). Wali waxa uu ka tirsan yahay Barcelona.

17-Martin Montoya (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Brighton & Hove Albion (England)

18-Isaac Cuenca (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Vegalta Sendai (Japan).

19-Gerard Deulofeu (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Watford (England).

20-Cristian Tello (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Real Betis.

21-Rafinha Alcantara (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda Celta Vigo.

22-Marti Riverola (2011). Hadda waxa uu u ciyaaraa kooxda FC Andorra.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook