CAJIIB: Goolhaye Thibaut Courtois Oo Dib Uga Khajilsiiyay Taageere Liverpool Ah Oo Isku Dayay Inuu Ku Maadsado & Jamaahiirta Chelsea Oo Xiddigoodii Hore Ku Amaanay Ficilkaas.

Goolhayaha haatan ee kooxda Real Madrid ee Thibaut Courtois ayay wax aan yarayni kala qabsadeen taagere Liverpool ah oo isku dayay inuu ku maadsado isla markaana qaso xilli uu mid kamid ah baraha bulshada sawir uu leeyahay soo dhigay.

Liverpool ayaa booska koowaad ka fadhida miiska kala sarreynta Premier League, Kooxda gobolka Merseyside ayaa xilli ciyaareedkii 2013/14 ku dhawaatay inay hanato horyaalka laakiin waxa ay u muuqdaan kuwo sanadkan ugu dhaw inay iska soo af jaraan abaarta horyaalka.

Laakin ilaa haatan, Taageerayasha iyo shaqsiyaadka ku xidhan kooxaha kale ayaa haysta fursada ay mucaashaqiinta Reds ku xasuusiyaan inaysan abid ku guuleysan horyaal Premier League ah waana waxa uu Courtois ka sameeyay barta Instagram.

Goolhayihii hore ee Chelsea ayaa Instagram soo dhigay sawir uu ku sugan yahay masaajidka Sheikh Zayed Grand ee magaalada Dubai Khamiistii shalay ahayd.

Shaqsi bartaas kusoo gala magaca ah @futbul_gazer oo taageere u ah Liverpool ayaa isku dayay inuu ku camirto Courtois isaga oo odhanaya “Isagu wali ma ilaashan karo shabaq nadiif ah”

Intaa kaddib Courtois ayaa arkay in shaqsigani uu yahay taageere Liverpool ah isla markaana waxa uu iska xejin waayay inuu u jawaabo isaga oo ku yidhi “Wali Premier League la’aan” oo uu ula jeedo in Reds aysan wali hal Premier League haynin.

Haddaba, Waxaan sidoo kale halkan ku xusi doonaa taageerayaal dhawr ah oo kooxda Chelsea matalaya oo si deg deg ah u amaanay goolhayihii hore ee kooxdooda kuna farxay jawaabta uu bixiyay.

Taageeraha Koowaad “LOOL, Courtois waa halyeey Chelsea ah, Waa goolhayaheyga”

Taageeraha labaad “Courtois 1-0 Taageeraha Liverpool”

Taageeraha saddexaad “Courtois waanu ku cafinay, Mid kamid ah ChelseaFC”

Taageeraha Afraad “Waxaan filayaa inay tahay wakhtigii aan ku biiri lahaa Courtois FC mar labaad”