CAJIIB: Gerard Pique Waa Beentiis! Lionel Messi Oo Ka Hadlay Haddii Gool Caawintii Uu Gerard Pique U Sameeyay Ay Sii Qorshaysnayd Sidii Uu Pique Sheegay.

Lionel Messi ayaa markale saxaafada aduunka ku qasbay in ay magiciisa ciwaano badan ku soo qoraan kadib markii uu bandhig wayn ka sameeyay kulankii PSV ee Champions League kaas oo kooxdiisa ka caawiyay in ay kaalinta kowaad ee Group B ugu guulaystay saddexdii dhibcood ee ay PSV ka soo qaadatay.

Lionel Messi ayaa dhaliyay gool si wayn loogu wadaagay baraha bulshada isla markaana ay saxaafada aduunku falan qayn badan ku samaysay isaga oo darsin ciyaartoyda PSV ah kaga yaabsaday goolkii furitaanka ee kulankii xalay laakiin waxaa sidoo kale dood badan keentay gool caawintii uu Gerard Pique u sameeyay.

Lionel Messi ayaa doonayay in uu tuurto kubbad laaga xorta ah waxayna ku dhamaatay Gerard Pique oo boos gaar ah u soo dhaqaaqay si uu kubbadan goolka labaad ugu dhaliyo wuxuuna Pique sheegay in ay ahayd arin sii qorshaysan.

Laakiin Lionel Messi ayaa beeniyay in ay ahayd arin la sii qorsheeyay balse ay ahayd kubbad laaga xorta ah oo ka xumaatay isla markaana uu Pique ka faa’iidaystay.

Khabiirka BBC Sport iyo BT Sport ee Gary Lineker ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray falcelin uu ka sameeyay bandhigii Messi ee kulankii PSV wuxuuna soo qoray: “Waad ogtihiin in aanan anigu jeclayn in aan markasta sheego Messi, laakiin waxa uu ciyaaraa kulan kaas oo inteena kale aynaan garanayn”.

Lionel Messi oo Gerard Pique iyo sheegashadiisii beeninaya isla markaana cadaynaya in wax sii qorshaysnaa aanu ka jirin gool caawintiisii Pique ayaa yidhi: “May ahayn wax la sii qorsheeyay taasi waa been. Wuxuu ahaa laaga xorta ah oo liitay, laaga xorta ah ayaa iga qaldamay, laakiin waxaa halkaas joogay Pique, wuu arkay wuxuuna ka faa’iidaystay xaalada”.

Laakiin xataa hadalka Lionel Messi uu ku beeniyay in uu sii qorsheeyay in Pique uu qaabkan goolka uga caawiyo ayaa keentay in uu amaan ku helo iyada oo lagu riixay in uu sheegto in uu gool caawinta Pique qorshihiisa ahayd balse taas Messi wax dan ah kamuu yeelan isaga oo waliba saaxiibkiisa Barca ee Pique ku khilaafay sheegashadiisii.

Haddii aanad hore u daawan Gool Caawintii Messi ee Pique ee dooda keentay halkan ayaad ka daawan kartaa.

Lionel Messi ayaa xalay noqday xidigii abid ugu horeeyay ee 106 Champions league uga dhaliyay hal koox laakiin waxa uu sidoo kale dheeraystay rekoodhka gool dhalinta heerka Groupyada Champoins League oo uu 66 gool ku soo dhaliyay 66 kulan.