CAJIIB: Ciyaartoy Wacdaro Ka Dhigay Koobka Adduunka Oo Hadiyad Looga Dhigay Tamaandho

Marka aad tahay ciyaartoy weyn oo sumcad ku leh dalkiisa, ugana qayb-galay Koobka Adduunka oo kulamo badan aad horseed u tahay inaad guuleysataan, waxa koowaad ee aad filayso inaad hesho waa amaal-marin, amaan amaba in lagugu sharfo waxqabadkaaga, mararka qaarkoodse waxa waxqabadkaagu kuu dhalayaa in lagu dhigo meel ka hoosaysa halkii aad filaysay.

Xulka qaranka Ruushka ayaa ku hadhay wareegga siddeed dhamaadka oo Croatia ay kaga badisay rikoodheyaal, hase yeeshee waxa ciyaarihii ay yeesheen oo dhan halyey ahaa oo si wacan u badbaadiyey goolhaye  Igor Akinfeev, gaar ahaan kulankii Spain ay ku reebeen.

Markii ay Ruushku ka hadheen Koobka Adduunka waxa meel walba u istaagay taageereyaasha oo u qiray inay wacdaro dhigeen amaba yihiin halyeeyo gaadhay meel ka fog halkii laga filayey, maadaama Ruushku ay u muuqdeen xul kala daadsan oo ku hadhi karaya bilowga.

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay barxadda Vorobyovy Gory oo lagu soo dhoweynayay ciyaartooyada ayaa waxa goolhaye Igor Akinfeev lagu guddoonsiiyey kartoon yar oo tamaandho ka buuxdo, taas oo mid ka mid ah jamaahiirta dalkaasi uu gacanta ka galiyey.

Sida lagu shaaciyey barta Twitterka, goolhayaha ayaa guddoomay hadiyadda, kamana bixinin wax dareen ah, hase yeeshee waxa dhici karta in shay aad u taqaano qiimo oo kula weyn ama kula yar ay dad kale u haystaan qiime ka duwan ka aad ka aaminsan tahay oo uu la weyn yahay ama la yar yahay, taas daraadeedna ay Ruushku isku hadiyadeeyaan.