CAJIIB: Ciyaartoy Ree France Ah Balse Aan Loo Xulan Koobka Aduunka Oo Sheegay Inuu Ka Hinaasay Hanashadii Dalkiisa Ee Koobka Aduunka!!

Xulka qaranka France ayaa qaab xarago leh usoo hantay tartankii koobka aduunka ee mudada bisha ah ka soconayay dalka Ruushka, Guud ahaan dadkii taagerayasha u ahaa xulka Les Bleus gaar ahaan dadka dhalasho ahaan kasoo jeeda dalkaas ayay farxad iyo rayn-rayn u ahayd marka laga reebo hal qof.

Daafaca ree France iyo kooxda Manchester City ee Aymeric Laporte oo kamid ahaa xiddigihii tayada fiicnaa balse aan loo xulan koobka aduunka ayaa qirtay inuu ka hinaasay hanashadii tartankaas ee dalkiisa hooyo.

Aymeric oo Citizens ku yimid lacag 57 Milyan ah bishii January ayaa kooxdiisa ka caawiyay hanashada koobabka Premier League iyo EFL Cup (Ex League Cup) balse nasiib daro looma xulan koobka aduunka waxaana booskiisa loo qaatay Raphael Varane, Samuel Umtiti & Adil Rami.

Haddaba Laporte oo ka hadlaya sida uu uga hinaasay xulka qaranka dalkiisa isla markaana uu uga niyad jabay ayaa yidhi “Waxaan dareemay hinaase daacad ahaanti, Go’aanada waa la sameeyay kaliya waa inaad aqbasho taasi waa sida ay ka tahay kubadda cagta”

“Layaab igumay noqon inaan lay xulan, Kumaan jirin safkii hore laakiin wali waxa ay ugu ahayd niyad jab yar inaanan ka qayb qaadan, Xaqiiqdii waxay ii ahayd xagaa fiican waxaan inbadan la raaxaystay qoyskayga iyo asxaabtayda, Xaqiiqdii waan ku faraxsanaa inaan dib ugu laabto dalkaygi kaddib xilli ciyaareed adag’

Laporte oo ku dhashay meesha loo yaqaan “Agen” oo Koonfur Galbeed kaga taala dalka France ayaan wali matalin xulka waawayn ee France marka laga yimaado inuu matalay dhammaan heerarka ka hooseeya 21 Jirada.

Laporte ayaa wali fursad u haysta inuu gabi ahaanba iska daayo u ciyaarista dalkiisa isla markaana uu matalo xulka Spain sababtoo ah mudada siddeeda sano ah ee uu kasoo ciyaaray kooxda  Athletic Bilbao.