Ibrahimovic 15-11 Mourinho: Saadaashii Zlatan Ibrahimovic Ee Koobka Aduunka Oo Si Laayableh Loo Arkay, Hal Qalad Oo Uu Sameeyay -Maxaase Ka Rumoobay Saadaashii Jose Mourinho?

Intaanu koobka aduunku ka bilaaban Russia waxay ciyaartoy hore, khabiirada kubbada cagta iyo waliba tababaryaal sameeyeen saadaal muujinaysay xulalka ay u arkaan in ay ka soo baxi karaan heerkii groupyada koobka aduunka waxaana dadkii saadaasha buuxda sameeyay ka mdi ahaa Jose Mourinho iyo Zlatan Ibrahimovic.

Markii uu xidigii hore ee ree Sweden ee Zlatan Ibrahimovic saadaashiisa koobka aduunka sameeyay waxaa jiray dad badan oo aan jeclaysan laakiin hadda oo la soo gaba gabeeyay heerkii groupyada koobka aduunka waxaa qasab ah in aan dib u eegno saadaashii Zlatan Ibrahimovic oo noqotay mid layaableh iyo waliba saadaashii Jose Mourinho uu sameeyay oo wax badani run ka noqdeen.

Ma rumaysan kartid in Zlatan Ibrahimovic uu saxay 15 xul qaran oo ka mid ah 16ka xul ee u soo baxay wareega 16ka ee koobka aduunka isaga oo hal xul oo ah Germany qalday inta kale waxa uu ku guulaystay saadaashii cajiibka ahayd ee uu sameeyay isaga oo waliba inta ugu badan ku guulaystay xataa kaalintii kowaad iyo kaalintii labaad ee uu saadaaliyay.

Laakiin Jose Mourinho ayaa saxay 11 xul oo ka mid ah 16ka xul qaran ee wareega xiga u soo gudbay isaga oo qalday 5 xul oo uu filayay in ay soo baxaan balse lagu reebay heerkii groupyada koobka aduunka. Mourinho ayaa filayay in xulalka Germany, Australia, Nigeria, Senegal iyo Poland ay soo baxaan balse dhamaantood waa la reebay.

Haddaba halkan Kaga Bogo Saadaashii Koobka Aduunka Ee Ibrahimovic Intii aan kubbadii ugu horaysay ee Russia lagu baasan:

Saadaashii Group A Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group A
1) Russia
2) Uruguay

Saadaashii Group B Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group B
1) Spain
2) Portugal

Saadaashii Group C Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group C
1) France
2) Denmark

Saadaashii Group D Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group D
1) Argentina
2) Croatia

Saadaashii Group E Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group E
1) Brazil
2) Switzerland

Saadaashii Group F Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group F
1) Germany
2) Sweden

Saadaashii Group G Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group G
1) Belgium
2) England

Saadaashii Group H Ee Koobka Aduunka Ee Uu Bixiyay Zlatan Ibrahimovic Iyo Labada Xul Qaran Ee Uu Saadaaliyay in ay Soo Baxayeen:

Group H
1) Colombia
2) Japan

Intaa kadib halkan Kaga Bogo Saadaashii Jose Mourinho ee Wareega 16ka Xul qaran ee Koobka Aduunka iyo Xulalkii Uu Filayay in Ay Ka Soo baxeen iyo waliba qaabkii uu Iskugu Aadiyay:

Uruguay vs Portugal

Spain vs Russia

France vs Nigeria

Argentina vs Australia

Brazil vs Mexico

Germany vs Switzerland

England vs Poland

Senegal vs Belgium

GO’AAN: Ibrahimovic 15-11 Jose Mourinho

Haddaba akhristow miyayna wax cajiib ah ahayn qaabkii uu Ibrahimovic u saadaaliyay 15ka mid ah 16ka xul qaran ee hadda ku dagaalami doona koobka aduunka balse adigu ma saadaalin kartaa 8 xul qaran ee ka soo bixi doona wareega 16ka xul ee koobka aduunka?. Fariin ahaan noogu soo gudbi fikradaada hana ilaawin in warbixinta aad la share-garayso asxaabta kale.

12 Fekradood ayaa laga dhiibtay warbixintaan

  1. 1:Portugal vs France
    2:Spain Vs Croatia
    3: Brazil vs Bleigen
    4:Sweden vs England
    sida ay ilatahy sideed dhamadka intan ayaa iskugu imindonta

  2. URUGUAY
    SPAIN
    FRANCE
    ENGLAND
    BELGUIM
    BRAZIL
    SWEDEN
    CROATIA

    8-DAAS AYAA SOO BAXAYA

  3. 1: argentina
    2: portugal
    3: spain
    4: croatia
    5: brazil
    6: belgium
    7: swizterland
    8: englaand

  4. Argentina
    Portugal
    Brazil
    Croatia
    Belgium
    England
    Spain
    Switzerlan

    Inshala inta 16 soo dhafaysa
    Waa aragtidayda 🇬🇹🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭🇨🇭

Comments are closed.