XASAASI: Barcelona Oo Liverpool Miiska U Saartay Saxeexa Phillipe Coutinho, Tababare Klopp Oo Ku Qoslay Qorshahaas & Go’aanka Xasaasiga Ah Ee Uu Qaatay.

Advertisements

Kooxda Liverpool oo uu hor kacayo tababare Jurgen Klopp ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka qaadatay heshiis ay Barcelona miiska usoo saartay oo ahaa inay dib ula wareegaan xiddigoodii hore ee Philippe Coutinho.

Advertisements

Philippe ayaa suuqii January ee 2018 oo haatan laba sano laga joogo iskaga baxay Anfield isaga oo u wareegay Camp Nou si uu koobab ugu guuleysto sidii uu markaas sheegay balse tan iyo bixitaankiisii ayay Reds noqdeen koox koobabka la deris ah.

27 sano jirkan ayaa ku dhibtooday wakhtigiisii Barcelona isaga oo ku fashilmay inuu buuxiyo waxyaabihii laga filayay markii ay Barca 142 Milyan ka bixinaysay.

Ugu dambayn Coutinho ayaa xagaagii dhawaa ka baxay Barcelona isaga oo qaab amaah ah ugu wareegay Bayern Munich oo uu 7 gool iyo 7 caawimo ilaa haatan u sameeyay xilli ciyaareedkan.

Dhawaan ayay ahayd markii uu soo baxay go’aanka ay Bayern ka qaadatay Coutinho iyo haddii ay heshiiskiisa amaahd ah rasmi u bedelayso waxaana la sheegayaa inay diideen inay joogto ula wareegaan.

Wargeyska El Desmarque ayaa haatan sheegaya in Blaugrana ay Liverpool u bandhigtay fursada ay Coutinho dib ugu iibsan karto kaliya 91 Milyan.

Sida warbixinta lagu xusay tababaraha Reds ee Jurgen Klopp ayaa ku qoslay dalabka Barcelona isaga oo gabi ahaanba diiday heshiiska ay usoo bandhigeen taas bedelkeedana isha ku haya ciyaartoy uu kamid yahay khadka dhexe ee Napoli ee Fabian Ruiz.

Advertisements