CAJIIB: Akhirso Liiska 20ka Gool Dhaliye Ee Sanadkan 2018 Goolasha Ugu Badan U Soo Dhaliyay Isku Darka Kooxaha & Xulalka Qaramadooda Iyo Xidig Si Layaableh Kaalinta Kowaad Ugu Fadhiistay.

Ciyaartoygee sanadkan 2018 ku dhamaysan doona xidiga kubbada cagta ugu gool dhalinta badan? Sanad kasta waxaa loo tartamaa xidiga noqonaya gool dhaliyaha ugu sareeya ee 12ka bilood ee sanadku ka kooban yahay waxaana sanadkan 2018 markale loo ordayaa xidiga kaalinta kowaad ku dhamaysan doona.

Muddo bil iyo badh ku dhaw ayaa ka hadhsan sanadkan 2018 laakiin waxaa jira haddaba ciyaartoy u si toos ah ugu tartamaya in ay noqdaan gool dhaliyaha ugu sarayn doona maalinta sanadkan 2018 uu soo dhamaan doono.

Laakiin ilaa hadda xidig lama filaan ah ayaa kaalinta kowaad hogaaminaya kaas oo ka sare maray Lionel Messi iyo Crisitano Ronaldo oo waqti badan kaalintan ku soo dagaalamayay.

Xidiga xulka qaranka Algeria iyo kooxda Al Sadd ee Baghdad Bounedjah ayaa ilaa hadda ah xidiga gool dhalinta ugu badan ka soo sameeyay sanadkan 2018 ee isku darka kooxdiisa iyo xulkiisa wuxuuna haystaa 47 gool oo uu ku soo dhaliyay 34 gool.

Lionel Messi ayaa ah xidiga labaad ee goolasha ugu badan ka soo dhaliyay sanadkan 2018 wuxuuna haystaa 44 gool oo uu ku soo dhaliyay 47 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Barcelona iyo xulka qarankiisa Argentina oo ay koobkii aduunku ugu danbaysay in uu u safto.

Cristiano Ronaldo ayaa ah xidiga saddexaad ee gool dhalinta ugu badan ka soo sameeyay sanadkan 2018 wuxuuna soo dhaliyay 43 gool kadib markii uu saftay 44 kulan wuxuuna 43 gool la wadaagaa Diogo oo ka tirsan kooxda Buriram United oo ka dhisan Thailand.

Haddaba halkan kaga bogo liiska 20 ka ciyaartoy ee gool dhalinta ugu badan ka soo sameeyay sanadkan 2018 ee kubbada cagta caalamka oo dhan:

20 – Neymar | Paris Saint-Germain & Brazil | Kulan: 37 | Gool: 30

19 – Joe Gormley | Cliftonville | Kulan: 35 | Gool: 31

18 – Kylian Mbappe | Paris Saint-Germain & France | Kulan: 52 | Gool: 31

17 – Zakaria Beglarishvili | FC Flora Tallinn | Kulan: 39 | Gool: 31

16 – Liliu | Nomme Kalju | Kulan: 31 | Goals: 31

15 – Roman Debelko | Levadia Tallinn amaah uga maqan Karpaty Lviv | Kulan: 48 | Gool: 32

14 – Patrick Hoban | Dundalk | Kulan: 43 | Gool: 32

13 – Lei Wu | Shanghai SIPG & China | Kulan: 49 | Gool: 33

12 – Josef Martinez | Atlanta United & Venezuela | Kulan: 37 | Gool: 33

11 – Harry Kane | Tottenham & England | Kulan: 51 | Gool: 34

10 – Jhon Cifuente | Universidad Catolica | Kulan: 37 | Gool: 34

9 – Antoine Griezmann | Atletico Madrid & France | Kulan: 62 | Gool: 35

8 – Mohamed Salah | Liverpool & Egypt | Kulan: 45 | Gool: 35

7 – Luis Suarez | Barcelona & Uruguay | Kulan: 55 | Gool: 36

6 – Dave Turpel | F91 Dudelange & Luxembourg | Kulan: 44 | Gool: 37

5 – Robert Lewandowski | Bayern Munich & Poland | Kulan: 48 | Gool: 39

4 – Diogo | Buriram United | Kulan: 51 | Gool: 43

3 – Cristiano Ronaldo | Real Madrid/Juventus & Portugal | Kulan: 44 | Gool: 43

2 – Lionel Messi | Barcelona & Argentina | Kulan: 47 | Gool: 44

1 – Baghdad Bounedjah | Al Sadd SC & Algeria | Kulan: 34 | Gool: 47