Cadhadu Kaliya Maaha Jamaahiirta!! – Ciyaartoy Arsenal Ah Oo Like-Gareeyay Qoraal Lagu Codsanayo In Tababarihiisa Unai Emery Shaqada Laga Caydhiyo.

Tababaraha kooxda Arsenal ayaa marka laga yimaado jamaahiirta kooxdiisa ee ka cadhaysan u muuqda mid xataa luminaya kalsoonida qolka labiska iyo ciyaartoyda uu ku haysto safkiisa haatan.

Arsenal ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wajahaysa dhibaato natiijooyinka ah iyagoo aan guul soo arag kulamadii ugu dambeeyay ee ay kasoo ciyaareen tartamada kala duwan.

Jamaahiirta kooxda ayaa u muuqda kuwo uu gabi ahaanba kasoo dhammaaday samirkii ay u hayeen macalinka kooxda ee Emery balse waxa haatan dareenkaas la qaba goolhayaha kooxda ee Emilian Martinez kaas oo Like saaray qoraal lagu eedaynayo tababarihiisa.

Jamaahiirta indhaha gor-gorka ah leh ee aragtida dhaw ayaa deg deg u arkay inuu Martinez ka fal-celiyay sawir ka yimid bogga AFC.Talk kaas oo soo dhigay qoraal odhanaya “Like Saar haddii aad doonayo in Emery baxo” oo ku dhawaad 13,000 oo kale ay Like-gareeyeen.

Advertisements

balse intaas kaddib goolhayaha ree Argentina ayaa deg-deg Like-ta ugala laabtay sawirkaas iyadoo jamaahiirta kubadda cagtu ay ku kala qaybsameen aragtida uu kula laabtay.

Taageerayaasha qaar jawaab soo bixiyay ayaa aaminsan in 27 sano jirkani uusan ulakac u Like garayn sawirka halka kuwo kale ay qabaan inuu u badheedhay oo ay ceeb ku tahay xirfadlenimadiisa.

Si kastaba, Arinkan ayaa kusoo aadaya xilli uu hore weeraryahan Alexandre Lacazette sidan oo kale ugu Like gareeyay qoraal uu taageere Gunners ahi ku bahdilayo tababare Emery.

Advertisements