Caddaalad Mise Caddaalad Darro? – Goolhaye Adrian Oo Jabiyay Sharciga Rigoorayaasha Kahor Badbaadintii Rigoorihii Guusha Ee Xalay. + (SAWIRO & Muuqaal Caddayn Ah)

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa xalay ciyaaray Final-ka UEFA Super Cup waxaana ay ugu dambayn guushu qaab gool kulaadyo ah ku raacday kooxda tababare Jurgen Klopp uu hoggaaminayay ee Liverpool.

Olivier Giroud ayaa bandhiga goolasha ee kulankaas furay kahor inta uusan Sadio Mane laba gool u dhalinin Liverpool iyadoo Jorginho uu ugu dambayn bar-bardhaca markiisa usoo celiyay Blues.

Intaa kaddib labadan kooxood ayaa dhammaan iska dhaliyay rigoorayaashii kahor intii uusan goolhaye Adrian noqon geesiga kulankaas ee Reds gool kulaadkii shanaadna ka badbaadinin da’yarka Tammy Abraham.

Waxa muranka ugu badan dhaliyay ayaa ah qaabka uu goolhaye Adrian rigoorahaas u badbaadiyay maadaama oo uu u muuqday mid sharciga baal maray oo labadiisa cagood ay soo dhaafeen diilinta goolka dushiisa.

Adrain ayaa gabi ahaanba hore usoo baxay oo banaanka ka joogay diilinta kahor inta uusan ka qaban rigooraha goolhaye Abraham iyadoo aan intaas kaddib la eegin garsoore caawiyaha VAR balse ay Reds kaliya dabaaldegooda bilawdeen.

Qaladka ka dhacay Adrian ayaa imanaya xilli ay laba jeer oo hore gabadhii garsooraha ka ahayd kulankaasi u sheegtay inuu ku ekaado diilinta dusheeda.

Halkan Hoose Kaga Boggo Sawiro & Muuqaal Muujinaya Qaabka Uu Adrian Usoo Dhaafay Diilinta