CADAYN: Waayihii Ciyaareed Ee Neymar Jr Wuu Ka Soo Dhamaaday Paris! PSG Oo Talaabadan Qaaday Si Ay Cadayn Buuxda U Samayso.

Kooxda PSG ayaa samaysay arin cadayn buuxda u ah in waayihii ciyaareed ee Neymar Jr uu kooxdeeda soo dhamaaday iyada oo shaqaalaha PSG uu sameeyay arin si aan shaki ku jirin u cadaynaysa xaalada Neymar uu kaga jiro kooxdooda.

Kooxda PSG ayaa si lama filaan ah xagaagan go’aan ugu gaadhay in ay iibiyaan Neymar Jr kadib arimo badan oo isbiirsaday laakiin ilaa heerka ay gaadhay colaada u dhexaysa Neymar iyo maamulka kooxdiisa ayaa cadayn buuxda u ah in aan xidhiidhkooda daawo loo heli karin.

Dukaanka qalabka Sportska lagu iibiyo ee ku yaala garoonka kooxda PSG ee Parc de Princes stadium ayaa gabi ahaanba laga tirtiray ama laga gooyay calaamadihii Neymar Jr ee uu ku matalayay kooxdiisa PSG.

Talaabada calaamadihii iyo sawiriradii Neymar Jr ee dukaanka Parc de Princes stadium looga nadiifiyay waxaa lagu qeexay mid cadayn buuxda u ah in waayihii ciyaareed ee Neymar ku lahaa Paris uu gabi ahaanba soo dhamaaday.

Sida lagu sheegay warbaahinta Uol Sporte, calaamada kaliya ee Neymar Jr leeyahay ee lagu arki karo dukaanka kooxda PSG ayaa ah calaamadaha shirkada uu shaqsi ahaan heshiiska kula jiro ee Nike.

Goobihii ay sawirada Neymar Jr ku yeeleen waxaa lagu badalay ciyaartoyda kooxda PSG ee kala ah Edinson Cavani, Thiago Silva iyo Marco Verratti kuwaas oo hadda sawiradooda lagu arkayo goobihii uu Neymar hore ulahaa.

Sawirka Kylian Mbappé oo hadda noqon doona kan ugu muhiimsan ee suuq gaynta kooxdiisa PSG ayaa ka mid ah sawirada lagu badalay kuwii Neymar Jr, waxayna haddaba shaqaalaha dukaanka qalabka Sportska ee garoonka PSG ay sameeyeen calaamad muujinaysa in Neymar laga baxay.

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa dagaal ugu jira in ay PSG heshiis kala gaadhaan iibka Neymar Jr, laakiin haddaba waxay kooxda Paris go’aan ku gaadhay in walxihii Neymar ee goobaha muhiimka ah laga nadiifiyo.

Shaqaalaha dukaanka qalabka Sportska lagu iibiyo ee ku yaala garoonka kooxda PSG ee Parc de Princes stadium ayayna waqti badan ku qaadin in ay Neymar Jr meesha ka saaraan isla markaana waxay adeegsanayaan ciyaartoyda kale ee kooxda.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan waxaa loo arkaa in uu soo dhawaaday bixitaankii Neymar Jr iyo waliba mid muujinaysa in aanu jirin wax ixtiraam ah oo u dhexeeya kooxda PSG iyo Neymar Jr oo muddo laba xili ciyaareed ah Paris ku soo qaatay.