Budhcad U Dhacday Guriga Uu Magaalada Barcelona Ka Degan Yahay Kevin-Prince Boateng Xilli Uu Ku Maqnaa Ciyaartii Real Valladolid

Budhcad tuugo ah ayaa u dhacday guriga uu deggan yahay saxeexa cusub ee Barcelona ee Kevin-Prince Boateng, waxaanay ka qaateen hanti badan.

Laacibkan oo ku maqan ciyaartii Sabtidii ay kooxdiisu ku martigelisay Real Valladolid ayey tuugo jabsatay gurigiisa, waxaanay ka qaadatay dahab iyo lacag badan oo lagu qiyaay inay u dhaxaysay 300,000 illaa 400,000 Euro.

Kevin-Prince Boateng oo deggan xaafadda Saria ayaa ku wargeliyey booliska Mossos falka ka dhacay gurigiisa, waxaanay bilaabeen baadhitaan la xidhiidha kiiskan.

Sida ay qoreen wargeyska Mundo Deportivo iyo El Pais, laacibka reer Afrika ayaa dhibbane u noqday tuugadan oo horena u bartilmaameesatay difaaca Barcelona ee Jordi Alba oo ay gurigiisa  baadheen xilli uu ku maqnaa ciyaartii Inter Milan ee ka dhacay magaalada Milan ee tartanka Champions League.

Ciyaartooyo badan ayaa sidan oo kale loogu baadhay waddanka Spain, hase yeeshee Kevin-Prince Boateng ayaa  noqday midkii ugu dambeeyey, welina boolisku may shaacinin inay cid u qabteen falkan.