Bruno Fernandes Oo Man United U Raacaya Anfield Axada, Chelsea Oo Ugu Cad Cad Saxeexa Weeraryahan Aad Loo Doonayay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

Advertisements

Asslamu Callaykum Waraxmatullahi Wabarakatu, Dhammaan akhristayaasha sharafta leh ee shabakaga Gool24 kusoo dhawaada xubinteenii wararka suuqa kala iibsiga iyo xogihii ugu dambeeyay ee ay saxaafada kala duwani ka qortay.

Advertisements

Waxaanu halkan hoose idiinku soo koobnay wararka suuqa ee qaarada Yurub kuwoodii ugu muhiimsanaa ee ay warbaahinta kala duwani maanta oo Jimce ah ay ka qoreen kubadda cagta.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Manchester United ayaa loosoo bandhigi doonaa inay xagaaga qaab xor ah ku heli karto weeraryahanka PSG ee Edinson Cavani balse waxa loo sheegay inaan la heli karin gudaha bishan. (Manchester Evening News)

Chelsea ayaa ah kooxda ugu cad cad inay la saxeexato weeraryahanka RB Leipzig ee Timo Werner kaddib markii 23 jirkaasi uu sheegay inuu doonayo tijaabinta Premier League. (Bild – in German)

Inter Milan ayaa Tottenham u gudbisay dalab furitaan ah oo 13 Milyan ah oo ay ku doonayso 27 jirka kooxdaas ee Christian Eriksen. (Telegraph)

Manchester United daafaceeda bidix ahna kabtankeeda Ashley Young ayaa iskaga baxay tababarka si uu u qasbo heshiis uu ugu biiro Inter Milan. (Sun)

Leicester City ayaa daafaca bidix ee Southampton Ryan Bertrand u doonaysa bedelka daafaceeda bidix ee Ben Chilwell oo lala xidhiidhinayo Chelsea. (Mail)

Manchester City ayaa wali xiisaynaysa inay sii haysato garabka ree Germany ee Leroy Sane kaas oo lala xidhiidhinayo Bayern Munich waxaana ay wali doonayaan inay heshiis cusub ka saxeexdaan. (Metro)

Mid kamida dhakhaatiirta qaliinka ee ugu wanaagsan UK ayaa Harry Kane u sheegay inuu seegi doono tartanka Euro 2020. (Press Association, via Sun)

Xiddiga Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes oo aad loola xidhiidhinayay Man United ayaa qaybta sarre ee Anfield ka daawan kara kulanka ay kooxdaasi booqnayso Liverpool toddobaadkan isagoo Anfield u raacaya Red Devils. (A Bola, via Mirror)

Tottenham tababaraheeda Jose Mourinho ayaa daafaca bidix ee Man City iyo xulka Portugal ee Joao Cancelo kala hadlay wax ku saabsan suurogalnimada uu ugu soo wareegi karo Spurs. (El Desmarque – in Portuguese)

Khadka dhexe ee kooxda Lille ee Boubakary Soumare ayaa kala dooran doona midkood Man United iyo Chelsea kahor xidhitaanka suuqa kala iibsiga . (Sky Sports)

Khadka dhexe ee Juventus ee Emre Can ayaa meesha ka saaray inuu ku biirayo Man Unite sababtoo ah xidhiidhka wanaagsan ee uu la leeyahay kooxdiisii hore ee Liverpool. (Tuttosport, via Mirror)

Manchester City ayaa doonaysa inay Barcelona ku garaacdo saxeexa Ivan Morante oo kamid ah kooxda da’yarta ee Vilarreal B. (Telegraph)

AC Milan ayaa qiimaynaysa u dhaqaaqista saxeexa 22 sano jirka kooxda Wigan Athletic ee Antonee Robinson oo daafaca bidix ka dheela iyo daafaca dhexe Aaron Hickey. (Sky Sports)

 

Advertisements