Boss Ma Doonayo In Aan Kula Shaqeeyo! Waa Kuma Geesiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Zinedine Zidane Go’aankiisa Farta Ka Saaray?

Zinedine Zidane ayaa doonaya in uu isbadal wayn ka sameeyo Santiago Bernabeu wuxuuna haddaba sameeyay saxiixyadii uu doonayay qayb badan oo ka mid ah laakiin waxa uu Zidane go’aan ku gaadhay inuu xidigo badan ka diro Bernabeu.

Laakiin waxaa la ogaaday xidiga Real Madrid ka tirsan oo Zinedine Zidane u sheegay in aanu doonayn in uu Madrid ula sii shaqeeyo kaas oo diyaar u ah in uu koox cusub raadsado inta aanu suuqu xidhmin.

Xidiga reer Spain iyo kooxda Real Madrid ee Dani Ceballos ayaa Zinedine Zidane si toos ah ugu sheegay in aanu kooxda sii joogi doonin isla markaana aanu doonayn in uu la shaqeeyo.

Dani Ceballos ayaan xidhiidh fiican la lahayn Zidane kadib markii uu kaydka ku ilaaway waqtigii hore ee uu Madrid maamulayay wuxuuna doonayaa in halkii uu markale kaydka ku jiri lahaa uu raadsado koox uu fursad uu ku ciyaari ka heli karo.

Sida uu shaaciyay wargayska AS waxa uu Dani Ceballos macalinkiisa Zidane u sheegay: “Boss wax dhibaato ahi ma jirto, anigu sinaba uma doonayo in aan kula sii shaqeeyo adiga”.

Dani Ceballos ayaan la filayn in uu qayb ka noqon karo shaxda Zidane ku soo shirtagi doono xili ciyaareedka cusub wuxuuna ogyahay in haddii uu Madrid baaqi ku sii ahaado oo uu Zidane la shaqeeyo in uu markale kaydka ku caajisi doono.

Xidigii hore ee kooxda Real Betis ee Dani Ceballos  ayaa hadda ka mid ah ciyaartoyda iskood u doonaya in ay Bernabeu ka baxaan kuwaas oo ay Madrid lacag ka samayn karto.

Real Madrid ayaa muddada bishan June ka hadhsan waxay ku qasban yihiin in ay ciyaartoy iibiyaan si ay iskugu dheelitiri karaan xisaabta kooxdooda si ay sharciga dhaqaala wanaaga yurub ugu hogaansami karaan.

Si kastaba ha ahaatee, Dani Ceballos  ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee kooxda Madrid hadda ka tirsan ee Zidane u sheegay in uu bixitaan diyaar u yahay oo aanu doonayn in uu la shaqeeyo.