Borussia Dortmund Oo Qorshaynaysa Inay Si Rasmi Ah Ula Saxeexato Weeraryahanka Wacdaraha Dhigaya Ee Paco Alcacer Iyo Qiimaha Ay Barcelona Kaga Heli Karto Oo La Ogaaday.

Kooxda ree Germany ee Borussia Dortmund ayaa maanka ku haysa sidii ay heshiis rasmi ah uga saxeexan lahayd weeraryahanka kooxdeeda amaahda ku jooga haatan ee Paco Alcacer kaas oo wacdaro dhigaya tan iyo bilawgii xilli ciyaareedkan.

Alcacer ayaa suuqii xagaaga amaah ku kacday 2 Milyan ku aaday dhinaca Dortmun, Amaahdaas ayaana durtaba u muuqata mid lagu najaxay maadaama oo uu in ka yar 200 oo daqiiqo ku dhaliyay 9 gool kooxda iyo xulkaba.

Borussia Dortmund ayaa rajaynaysa inay dhaqan geliso qoddobka heshiiska amaahda ah ku jiray ee ah inay si rasmi ah ula saxeexan karto waxaana ay kaliya bixin doonaan 23 Milyan oo lagu daray 5 Milyan oo kale oo shuruudo kala duwan ku xidhan.

Haddiiba uu weeraryahankan ree Spain qandaraas rasmi ah u saxeexo BVB ayaa lagu warramayaa inuu saxeexi doono qandaraas ku ekaan doona ilaa sanadka 2023 isla markaana uu qaadan doono 8 Milyan waxaana uu mushahar ahaan kaliya ka dambayn doonaa Marco Reus iyo Mario Gotze.

Dortmund ayaa la dhacsan horumarka uu xiddigani ku sameeyay kooxdeeda maadaama oo uu kaliya 81 daqiiqo u saftay kulamada horyaalka isla markaana uu LIX gool ku dhaliyay daqiiqadahaas noqdayna gool dhaliyaha ugu sarreeya ee Bundesliga.