Boqorka Goolasha Cajiibka Ah – DAAWO Gool Maqas Ah Oo Cajiib Ah Oo Uu Zlatan Ibrahimovic Ka Dhaliyay Horyaalka MLS-ka Maraykanka.

Weeraryahanka kooxda LA Galaxy ahna halyeeyga kooxo badan oo ree Yurub ah ee Zlatan Ibrahimovic ayaa markale dunida xasuusiyay sida uu u yahay boqorka goolasha cajiibka ah ee kubadda cagta.

Ibrahimovic ayaa hore saxaafada ugu sheegay in goolasha uu kubadda cagta kasoo dhaliyay aan laga dhalin qaarkood xataa ciyaar gacmeedka (Playstatin-ka) taas ayaana ah mid uu wakhtiyo badan soo cadeeyay.

Ibrahimovic ayaa lagu xasuustaa goolkii maqaska ahaa ee aadka u quxroonaa ee uu kasoo dhaliyay xulka qaranka England sanadkii 2013 markaas oo goolkiisaas loo doortay midkii xilli ciyaareedkaas ugu qurxoonaa.

Markale Zlatan ayaa goolkan indhaha caalamka kusoo jiitay waxaana uu isaga oo 37 sano jir ah maqas kale oo cajiib ah ka dhaliyay kooxda New England.

Marka laga yimaado in kulankaas kooxdiisa lagaga guuleystay 1-2 haddana goolkan uu soo dhaliyay ayaa ah mid in badan laga xasuusan doono kubadda cagta Maraykanka.

Halkan Hoose Ka Fiirso Goolka


Β