Boqorada Suuqa Kala Iibsiga!! – Halkan Kaga Boggo 10-ka Saxeex Ee Ugu Cajiibsan Ee Juventus Ay Qaabka Xorta Ah Ku Heshay Sanadihii Ugu Dambeeyay.

Kooxda siddeedii jeer ee ugu dambeeyay kusoo guuleysanaysay horyaalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lagu sifayn karaa boqorada suuqa kala iibsiga marka la eego qaabka ay suuqa uga helaysay saxeexyo waaweyn oo xor ah.

Juventus ayaa xilli suuqan markale wada is hubayn ay safkeeda kusoo xoojinayso waxaana ay xilli horeba xaqiijiyeen saxeex khadkii dhexe ee kooxda Arsenal Aaron Ramsey oo qudhiisu ah saxeex xor ah.

Sidoo kale waxa dhawaan xilka tababarenimo ee kooxda loo magacaabay tababare Maurizio Sarri oo kaga yimid dhinaca Chelsea waxaana markan looga fadhiyaa inuu kooxda kusoo guuleeyo UEFA Champions League.

Xaqiiqada ah in Juve ay siddeedii jeer ee ugu dambeeyay qaab xidhiidh ah usoo hanatay Serie A ayay in badan kasoo caawinayeen guulahaas saxeexyo badan oo ay xor ku heshay.

Saxeexyadaas ayuu ugu faa’ido badnaa Paul Pogba oo ay qaab xor ah kaga qaateen Manchester United sanadkii 2012 afar sano kaddibna ay lacag rekoodh aduun ah kaga iibiyeen isla Manchester kaddib guulo uu ku hoggaamiyay.

Ganacsigan cajiibka ah ee Bianconeri ayay sidoo kale kamid yihiin Fabio Cannavaro iyo Andrea Pirlo oo ah halyeeyo ree Talyaani ah iyadoo si gaar ahaaneed uu Pirlo sanado dhawr ah muhiim ugu soo ahaa khadkooda dhexe.

Saxeexa ugu dambeeya ee buuxinaya tobbanka saxeex ee Juventus ay xorta kula wareegtay tobbankii sano ee u dambeeyay ayaa noqon doono Adrien Rabiot oo Paris Saint-Germain kaga soo wareegaya.

Rabiot ayaan wali si rasmi ah u noqon xiddig Juve ah balse maanta ilaa berri ayaa la filayaa in la shaacin doono saxeexiisa kaddib markii uu soo gaadhay magaalada Turin.