Booliiska Maraykanka Oo Toogasho Ku Dilay Ciyaartoy Caan Ah Iyo Qaabkii Toogashadani U Dhacday.

Tyler Honeycutt oo kubadda kolayga ciyaara ayaa geeriyooday ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeed booliska Maraykanka, sida ay warbaahinta maxalligu sheegayso.

Waaxda booliska ee Los Angeles ayaa sheegtay in qof la tuhunsanaa uu u dhintay dhaawac rasaaseed oo uu isu geystay, ka dib markii uu ciidanka rasaas ku riday.Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in qofkaasi uu ahaa cayaartoygii hore ee kooxda Sacramento Kings, haatanna u ciyaarayey kooxda Moosko ka dhisan ee BC Khimki.

Twitter waxaa daabacay @Khimkibasket: Tyler Honeycutt passed away...Player's agent, mr. Aaron Mintz, confirmed the death of Honeycutt@Khimkibasket expresses its deepest condolences to Tyler's family and friendsRest in peace, Tyler...

Honeycutt hooyadii dhashay ayaa sida la sheegay u yeertay booliska, maadaama uu wiilkeedu u dhaqmayey “si aan caadi ahayn”.Kooxdiisa ayaa geeridiisa ayaguna xaqiijiyey, ka dib markii ay la hadleen wakiilkiisa.

Warbaahintu waxay sheegtay in guriga uu ahaa deegaanka uu ku noolaa Honeycutt oo ku yaalla Sherman Oaks, LA.

Ka dib markii muddo dheer la is hor taagnaa ayaa kooxda xaaladaha cakiran loogu yeero ee SWAT ay guriga gudaha u galeen arooryadii Sabtida, waxayna ku dhex arkeen la tuhunsanaha oo “aan nuuxsanayn”.

Sannadkii hore ayuu misna dib ugu laabtay Khimki, ka dib markii uu muddo sannad ah u cayaarayey kooxda Turkiga ka dhisan ee Anadolu Efes.