Blaise Matuidi Oo La Kala Saftay Cristiano Ronaldo Iyo Xiddigaha Xulkiisa France & Cida Uu U Doortay Inay U Qalanto Abaalmarinta Ballon d’Or Sanadkan.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka France ee Blaise Matuidi ayaa la kala saftay xiddigaha xulkiisa ee u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or iyo weeraryahanka kooxdiisa ee Cristiano Ronaldo oo isaga qudhiisu loolankaas kula jira.

Matuidi ayaa maray dhinaca xiddiga ree Portugal ee ay koox wadaaga yihiin isaga oo iska indho tiray xiddigaha dalkiisa isla markaana sheegay inuu CR7 yahay mid baahi weyn u qaba guusha taasina ay tahay waxa kala duwaya isaga iyo xiddigaha kale.

Matuid ayaa yidhi isagoo amaanaya Ronaldo “Cristiano Ronaldo miyaa? Isagu wuu u qalmaa Ballon d’Or, Isagu waxa uu qabaa baahi weyn taasina waaxa waxa kala duwanaanshaha sameeya”

Ronaldo ayaa tan iyo imaatinkiisii magaalada Turin kooxdiisa ka caawiyay inay qaab xoogan ku fadhido figta ugu sarreysa ee horyaalka Serie A kaddib 10 gool oo uu ugu soo dhaliyay 17 kulan.

Juve ayaan ilaa haatan wax guuldaro ah arag 13 kulan oo Serie A ah, Waxa ay toddobaadkan booqan doonaan dhigooda Fiorentina iyaga oo maanka ku haya inay sii xejistaan farqiga 8-da dhibcood ah ee ay haatan ka sarre mareen kooxda booska labaad.

Hadalkan kasoo yeedhay Blaise ayaa ah mid wiiqaya tartanka xiddigaha xulkiisa France ee ay kusoo wada guuleysteen Koobkii Aduunka isla markaana filayay inuu sanadkani noqon doono midkii ay hanan lahaayeen Ballon d’Or.

Xiddigaha weerarka ee Antoine Greizmann iyo Kylian Mbappe iyo waliba daafaca Raphael Varane ayaa ah xiddigaha kasoo jeeda Les Bleus ee laga filayo inay meel fiican ka gaadhaan abaalmarinta sanadkan.