Bayern Munich Oo Xiddig Weyn U Soo Bandhigtay Man City Si Ay Bedelkiisa U Qaataan Leroy Sane

Manchester City  ayaa lagu waramayaa in loo soo bandhigay daafaca bidix ee Bayern Munich David Alaba.

Kooxda Jarmalka ayaa diyaar u ah inay fasaxdo xiddiga reer Austria xagaagan haddii ay u isticmaali karaan heshiis isku bedelasho.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Alaba loo soo bandhigay Manchester City si uu qeyb uga noqdo heshiiska ay Bayern Munich ku dooneyso inay Leroy Sane ku qaadato.

Laakiin kooxda heysata horyaalka Premier League ayaan dooneynin inay iibiso Leroy Sane waxaana ay diideen dalabkaas, inkastoo Benjamin Mendy uu garoomada ka maqnaanayo bisha ugu horeysa xilli ciyaareedka cusub.

Bayern ayaa sidoo kale lagu waramayaa inay Alaba u bandhigtay Barcelona si ay bedelkiisa u helaan Ousmane Dembele laakiin dalabkaas isna waa la soo diiday.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa raadineysa bedelka Arjen Robben iyo Franck Ribery kuwaasoo kooxda ka tagay xagaagan.

SIDOO KALE AKHRISO:  HORDHAC: Celta Vigo vs Real Madrid - Los Blancos Oo Diyaar U Ah Ka Faa'idaysiga Guuldarradii Barcelona, Faah-Faahinta & Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulankan.

Sane ayaa muddo dheer diirada u saarnaa Bayern Munich, mana aysan qarsanin xiisahooda xiddiga Jarmalka.

Sane ayaan weli qandaraas cusub u saxiixin kooxda Etihad Stadium ka dhisan laakiin tababaraha City Pep Guardiola ayaa sheegay isbuucii hore: “Muddo dheer ayay ka hadlayeen xiisaha Leroy Sane.

“Waa ciyaaryahankeena, waxaana rajeyneynaa inuu sidaas sii ahaado xilli ciyaareedkan, kan ku xiga iyo kan ku sii xiga.

“Kooxda waxa ay u soo bandhigtay qandaraas cusub sannadkii la soo dhaafay, sida aan marar badan sheegayna, waxaan dooneynaa dadka halkaan ku faraxsan inay sii joogaan.”