Bayern Munich Oo Maanta Wajahaysa Kooxdii Ceebta Aduun U Xambaarisay Ee Eintracht Frankfurt Iyo Saamaynta Uu Ku Yeelan Doono Kulanka Dortmund Ee Der Klassiker.

Horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka ayaa todobaadkiisi labaad galay kadib markii uu noqday horyaalka kaliya ee Yurub ah ee dib loo furay kadib go’doonkii farayska Karoonaha, laakiin Bayern Munich ayaa isku dayi doonta in ay aargudasho wayn samayso.

Bayern Munich waxay maanta Allianz Arena ku soo dhawaynaysa kooxdii ceebtii ugu waynayd baday ee Eintracht Frankfurt taas oo keentay in shaqada tababaranimo ee Bayern Munich laga caydhiyay tababare Niko Kovac.

Bishii November ee qaybtii hore ee xili ciyaareedkan waxay Bayern Munich ku jirtay kaalinta 7 aad ee kala saraynta horyaalka Jarmalka markaas oo ay 14 kulan ciyaareen waxayna taasi keentay in Niko Kovac la caydhiyay kadib guuldaradii 5-1 ka ahayd ee Bayern Munich ka soo gaadhay kooxda ay maanta wajahayaan ee Frankfurt.

Bayern Munich ayaa guuldaro 5-1 ah kala kulantay kooxda ay maanta wajahyso ee Eintracht Frankfurt markaas oo ay Bavaria ku jirtay xaalad musiibo ah balse waxay markan diyaar u yihiin in ay ceebtii iyo waji gabaxii aduunka ka yaabiyay meel iska saaraan.

Muhiimada kulanka Bayern Munich iyo Eintracht Frankfurt ma aha mid aarsasho oo kaliya ku kooban balse waxaa jirta muhiimad ka wayn oo ah in Bayern ay hogaanka sii adkaysato ka hor inta ayna maalinta talaadada soo socota ayna booqan kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Borussia Dortmund ee kulanka Jarmalka ugu wayn ee Der Klassiker.

Guuldaro kale oo Bayern Munich maanta ka soo gaadha kooxda Eintracht Frankfurt waxay lugaha ka xidhi doontaa Bavaria oo cadaadis wayn kala kulmaysa kooxda Borussia Dortmund oo guul wayn xili ciyaareedka ugu soo laabtay.

Kulanka Bayern Munich iyo Eintracht Frankfurt waxa uu bilaami doonaa 7:30 fiidnimo ee saacada geeska Afrika waxaana Bayern kulankan ka maqnaan doona Philippe Coutinho iyo Corentin Tolisso  oo dhaawac ah.

Shaxhaa Macquulka Ah Ee Ay Bayern Munich iyo Frankfurt Iskala Hor Iman Karaan:

Bayern Munich XI: Mauel Neuer; Pavard, Boateng, Alaba, Davies; Kimmich, Thiago; Muller, Goretzka, Gnabry; Lewandowski

Eintracht Frankfurt : Trapp; Toure, Abraham, Hinteregger, N’Dicka; Ilsanker, Rode; Chandler, Kamada, Kostic; Dost

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook

1 Comment

Comments are closed.